Kuxigeenka Madaxweynaha Kenya oo Hortagaya Maxkamada Heeg

0
359

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa hortagaya maxkamada dambiyada ee The Hague.
William Ruto waxaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadamka oo la galay sanadihii 207-dii iyo 2008-dii.
Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin marqaatiyo diyaar u ah inay ku marag kacaan William Ruto.
Waxaa jira dad marqaatiyo ahaa oo la waayay amaba diiday inay yimaadaan maxkamada horteeda.
Horay waxay maxkamadda u tuurtay dacwadii ka dhanka ahayd madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.
William Ruto waxaa loo haystaa inuu galay dambiyo dhacay xiligii doorashada kenya ee sanadkii 2007-dii.
Rabshadihii doorashadaasi ka dhashay waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay kumanaan qoys.
 

Leave a Reply