Dhakhaatiirta England oo Shaqada Joojiyay

0
400

Tobanaan kun oo dhakhaatiir ayaa ah ayaa England ka bilaabay afar iyo labaatan saacadood oo shaqo joojin ah, iyagoo ka cabanaya mushaharka iyo xaalada ay ku shaqeeyaan.
Dowladda Britain ayaa doonaysa inay saxiixaan heshiis cusub ee shaqada oo kordhinaaya mishaharkooda, laakiin hoos u dhigaaya lacagta ay qaataan saacadaha ay shaqeeyaan maalmaha la nasto iyo habeenkii.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay, in heshiiska cusub ee shaqada uusan ahayn xaq ayna ka digeen inuu wax u dhimaayo caafimaadka bukaanka iyo dhaqaatiirta.
Waqtiga shaqo joojinta, dhaqaatiirta ayaa daawayn doona oo kaliya bukaanka qaba xaalad deg deg ah. Waxaa la joojiyay kumanaan qaliimo dhici lahaa iyo daawayntii kale.
Ra’iiisalwasaraha Britain David Cameron ayaa ugu yeedhay shaqo joojinta mid khasaaro keenta.
 

Leave a Reply