Waxay Ka Soo Tuureen Dabaq Si Ay Uga Aargutaan

0
407

Laba gabadhood oo u dhashay daka Ruushka ayaa dabaqa shanaad ka soo tuuray nin labadooda qabay. Labadan dumarka ah ayaa sheegay inuu khiyaameeyay labadoodba isla markaana uu mid kasta isaga dhigay inay keligeed xaaskiisa tahay.
Markii ay ogaadeen ayay labadan dumar ahi ku balameen inay ninkan ka aargutaan madaama uu labadoodaba khiyaameeyay, iyadoo midkood ay tan kale kula balan tay inay guriga ugu timaado.
Markii uu guriga yimi wax yar ka dib ayay gabadhii kalena soo gashay si ay u tusaan qaabka khiyaamada ah ee uu u dhaqmayay. Gabadhahan ayaa ninka markii horeba siiyay sharaab bedelaya dareenka qofka oo ka dhigay mid aan is difaaci Karin.
Isla wakhtigaasi ayay labadoodu si wada jir ah uga soo tureen dabaqa shanaad ee gurigii ay ku jireen daaqadiisa, isagoo halkaasina ku dhintay.

Leave a Reply