Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ka fahmi waayay. Dareenkaasi yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha wax khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada fahansan tahay, oo aad ka qiimo badan tahay sidan aad isu haysato ee cidhiidhiga kugu abuurtay.
Ku raaxayso nolosha wanaagsan oo iska saar cidhiiga iyo diiqada.