Iskuulada Suuriya oo la Siiyay Malaayiin Doolar

0
340

$250m oo lacag deg deg ah ayaa lagu bixinayaa waxbarashada carruurta qaxootiga Suuriya sanadkan.
Wakiilka caalamiga ee Qaramada Midoobay ee waxbarashada ee Gordon Brown, ayaa   sidaasi sheegay .
Lacagtan ayaa taageeri doonta qorshe iskuulo loogu samaynayo malaayiin qaxooti.
Lacagta  waxaa bixiyay Midowga Yurub iyo dalalka Gacanka Carabta.
Ilaa ay reeraha qaxootiga ay u helaan waxbarasho carruurtooda, ayuu sheegay “safarka dhimashada ee Yurub ay ku  imaanayaan ma yaraanayo laakiin waa kordhi doonta.”
Qaxootiga ka maqan guryahooda ilaa toban sano, ayuu xusay in ay  micnaheedu tahay in carruurta ay ku dhacdo waxbarasho la’aan, tababar la’aan iyo shaqo la’aan.
“Iskuul la’aanta iyo qatarta carruurta ka haysata xeryaha ayaa qaxootiga ay u soo aadayaan Yurub, ayuu yidhi Mr Brown.
“Ilaa aan fursad siino carruurta, maalin walba reero cusub ayaa go’aan ku gaadhaya inay imaadaan Yurub”. ayuu sheegay.
 

Leave a Reply