Ma Edebta Ayaan Baraa, Mise Xumaanta Ayaan Ka Bartaa?

0
292

Ahmed  Subax walba wuxuu Istaagi jiray Tubakaayo lagu iibiyo Jaraa’idka, si uu u iibsado Wargeyska subaxaasi uu jeclaado. wuxuu Subax walba Salaami jiray Ninka Tubakaayada iska leh, laakiin Ninkaasi kama Qaadi jirin Salaanta.
Dhowr Subax markuu sidaasi ahaa, Nin kale oo arkayay ayaa ku yidhi: “ Maalmahan waxaan ku arkayay Adigoo Salaamaya Ninka Tubakaayada  leh, isaguna kaama Qaado, ee maxaa kugu Kalifaya inaad Salaantid maalin kasta?
Axmed  ayaa ugu jawaabay: Maxaa Dhibaato ah ee ku jira haddii aan Salaamo?
Ninka: Miyuu kaa Qaaday Salaanta Maalmihii hore oo dhan?
Axmed ayaa ku jawaabay: Maya.
Ninkii ayaa Weydiiyey:- haddaba maxaad u Salaamaysaa?
Axmed: maxaad u Malaynaysaa, inuu iiga qaadi waayay salaanta?
Ninkii ayaa ugu jawaabay: waxaan isleeyahay waa Nin Akhlaaq Xun oo aan Istaahilin in la Salaamo. Axmed: Haddaba ma waxaad Doonaysaa inaan Edebta Baro, mise inaan edeb xumaanta ka barto.

Leave a Reply