Dad Suuriyaan ah oo ay Heysato Cunto Yari

0
404

Qaramada Midoobay ayaa ka digaya labo boqol oo kun oo Suuriyaan ah oo ay haysato cuno yari dadkaas oo ku sugan bariga magaalada Dayr Al-zuur halkaas oo dagaalyahanada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay weeraro hor leh  ku qaadayaan deegaanada ay dawladdu ka taliso.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay heleen warbixino aan la xaqiijinin oo sheegaya in ay ilaa labaatan ruux ay u dhinteen macaluul.
Dawladda Islaamka ayaa maamusha inta badan magaalada Dayr Al-zuur waxayna mudo bilooyin ah go’doominayeen qaybaha bari ee magaalada.
Waxaa jira warar sheegaya in weeraradii u dambeeyay ay ku dhinteen dad badan oo ay ku jiraan dagaalyahano dawladda taageersan iyo shacab.
Wakaaladda wararka qaranka ee Suuriya waxay sheegtay in halkaasi lagu xasuuqay saddex boqol oo shacab ah.

Leave a Reply