Wasiir Samsam Oo La Shirtay Maayarrada & Badhasaabada

0
348

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda maaliyadda jamhuuriyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kulan dardar gelin ah la yeelatay Maayaradda iyo Badhasaabada gobolada iyo degmooyinka waawayn ee dalka, shirkaasi oo lagaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha cashuur ururinta.
Kulankan shaqo oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa  soconayay muddo laba maalmood ah, waxaana ka qayb qaadanayay badhasaabada lixdii gobo lee hore iyo gobolka Gabiley, iyo maayarada caasimadaha todobada gobol.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda jamhuuriyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu kulanka furtay ayaa ugu horrayn uga xogwarantay ka qayb galayaasha ujeedka kulankan, iyada oo sheegtay in muhiimad wayn qaranka  u leedahay in ay ka qayb qaataan ololaha cashuur ururinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka, isla markaana ay la jaan-qaadaan nidaamka cusub ee loo dejiyay cashuur ururinta.
Marwo Samsam Cabdi Aadan iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxay tidhi “Kulankan ujeedadiisu waxa weeye, in wasaarad ahaan ay naga go’antahay siyaasada miisaaniyadda qaranka ee sannadkan, sidaa lagu ansixiyay ee ah in boqolkiiba shan loo dhaadhiciyo gobolada dalka, isla markaana waxaanu kor u qaadnay mushaharkii badhasaabada dalka, si ay ugu madax banaanaadaan shaqado.”
Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa ku dartay “Haddaba si ay siyaasadaasi u dhaqan gasho waxaa la idiinka baahan yahay idinkana in aad ka qayb qaadataan ololaha ururinta cashuurta iyo la dagaalanka kootarabaanka, isla markaana aad goboladiina ka hirgelisaan jiwanada lagu dhejiyo waraaqaha ee ay wasaaradda maaliyaddu leedahay, guud ahaana aad xil wayn iska saartaan arrintaas.”
Badhasaabada gobolada dalka iyo maayarada ka qayb qaadanayay kulankaasi oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay wasiirka Wasiirka wasaaradda maaliyadda jamhuuriyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, iyaga oo ku amaanay hoos u daadejijnta miisaaniyada qaranka ee gobolada dalka, oo markii ugu horraysay ay hirgelisay wasiir Samsam.
Badhasaabada iyo maayarada kulankan ka qayb-galay ayaa dhinacooda ballan qaaday in ay xil wayn iska saari doonaan hirgelinta siyaasadan cusub ee wasaaradda maaliyaddu u dejisay miisaaniyada qaranka ee sannadkan, isla markaana ay dardar-gelin doonaan hawlaha cashuur ururinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply