Ma jiraan wax adagi

0
533

Arday ayaa ka qayb galay muxaadaro maadada xisaabta ah, laakiin intii lagu jiray ayuu gam’ay. Markii ay dhamaatay ayuu ku toosay buuqii iyo qayladii ardayda waxaanu sabuuradda ku arkay laba su’aalood, ka dibna si degdeg ah ayuu u qortay kaddibna wuu iska baxay. Markii uu gurigiisa tegay ayuu labadii su’aalood isku deyay inuu ka sheqeeyo, xaqiiqdii waxay ahaayeen kuwo aad u adag. Maktabadii jaamacadda ayuu la tegay muddo afar maalmood markii ay ku qaadatay ayuu su’aashii koowaad ka sheqeeyay isagoo u cadhaysan macalinkiisa.
Maalintii ayuu macalinka u yimi oo ku yidhi macalin su’aalhii mid keliya ayaan ka soo sheqeeyay wayna igu adkaatay waxay igu qaadatay afar maalmood, waxaan doonayaa inaad wakhti dheeraad ah isiiso si aan su’aasha labaad uga soo sheqeeyo. Macalinkii oo yaaban ayaa ku  yidhi :”Waar labada su’aalood idiinkumaan dirin inaad ka soo shaqaysaan waxay ahaayeen labada su’aalood ee aqoonayahandu jawaabtooda ku wareereen oo aan ilaa hadda xalkood la heli”. Qofka oo ku qanca in aanu qaban Karin arin ayaa noqotay tan ka dhigta arrin kasta wax adag.
Haddii ardaygu soo jeedi lahaa oo uu macalinka maqli lahaa , iskuma dayeen inuu ka sheqeeyo waxaana uu aaminsanaan lahaa inay adag tahay. Ma jiro wax adagi laakiin waa sida aad kolba adigu u aaminto.

Leave a Reply