Wuxuu Arkay Xabaashiisii Oo ay Hooyadii Ubax Dhigtay

0
342

Waxa ku dhacay arrin yaab leh wiil u dhashay dalka Poland ka dib markii uu ku soo noqday gurigooda oo uu ka maqnaa muddo dheer. Waxaana uu la kulmay iyadoo hooyaddii iyo aabihii ay qabrigiisa ubaxyo dhigeen si aanay u ilaabin, iyagoo u malaynayay in qabrigan uu ku aasan yahay wiilkoodii. Wiilka Jaroslaw Karawlinski ayaa gurigooda ka maqnaa tan iyo sannadkii 2011-kii iyadoo aan laga helin wax war ah. Booliiska ayaana lagu wargeliyay iyagoo mar danbe sheegay inay heleen mayd wiil dhalinyaro ah oo aan la garan Karin kaasi oo yaallay xadka ay la leeyihiin Ukreen.Labadiisa waalidka ayaa wakhtigaasi rumaystay inuu isaga yahay wiilka halkaas laga helay maydkiisa.
Wiilkan ayaa mar keliya gurigooda ku soo noqday iyagoo waktigaais labadiisa waalid ay joogeen xabaashiisa oo ku taallay guriga dhiniciisa. Hooyadii ayaa miyir doorsoontay markii ay argtay wiilkeedii oo nool. Booliiska ayaa sheegay inay xaqiijiyaan maydka qabrigan ku aasan madaama uu noqon waayay wiilkii loo malayanayay.

Leave a Reply