Naxariista Waalidka

0
639

Gabadh yar iyo aabaheed ayaa ka talaabayay goob biriish ah , aabaha ayaa u baqday gabdhiisa yari inay ka dhacdo biriishka cidhiidhiga ah. Markaasi ayuu ku yidhi inantiisa yar “ Aabo qabso gacantayda si adag si aanad ugu dhicin webiga”. Gabadhii yarayd ayaa ugu jawaabtay Aabo maya, adigu qabo gacantayda”.
Aabaha ayaa si yaab leh u eegay inantiisa yar ooo ku yidhi “ Oo ma wax farqi ah ayaa u dhexeeya “. Si degdeg ayaya ugu jawaabtay “ Haa, haddii aan anigu qabsado waxa laga yaaba inaan u adkaysan waayo oo aan sii daayo, laakiin adigu marna ima sii daynaysid si kasta oo aad u dareento cidhiidhi” . Xikmaduna waa in gacantaada aad u dhiibto kuwo aad jeceshahay. Waana waalidku inuu yahay mid u naxariis badan ubadkiisa, sidaasi ayaa adigana lagaa raaba inaad u naxariisto.

Leave a Reply