“Saddexda Xisbi Way Joogaan Burco, Madaxdii Mucaaridkana Waxaanu Dejinay Gurigii Madaxtooyada

0
345

Burco(Dawan):- Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay labada Xisbi mucaarid oo ay ku sheegeen in masuuliyiinta gobolka Togdheer in ay ku kaceen olole kaambayn oo ay ugu  ololaynayaan xisbi xaakimka tallada haya ee KULMIYE isla markaana ay shaqooyinkii ay  gobolka ka hayeen in ay u dayacaeen soo dhawaynta  iyo la socodka Weftiga KULMIYE  ee ku sugnaa Xarunta gobolka Togdheer ee  Burco ee uu hoggaamiyay Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiye Xayd oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Dawan oo eedaymaha mucaaridka ka jawaabayay ayaa sheegay in aanay waxba ka  jirin eedaha loo nisbeeyay maamulka gobolka isla markaana ay dhammaan Madaxda Sadexda Xisbi qaran ku soo wada dhaweeyeen Magaaladda Burco.
“Horta gobolka Saddexda xisbi qaranba masuuliyiintii ugiu saraysay ayaa ku sugan magaalada Burco oo waxa ka bilaabantay diwaan gelintii codbixiyeyaasha, waxaanay asxaabta qaranku u yimaadeen Burco iyo gobolkaba in ay Wasaaradda Arrimaga Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka kala   shaqeeyaan arrimaha diwaan galinta codbixiyeyaasha manay dhicin Xisbi qaran oo loo diiday in uu gobolka yimaado iyo mid si gaara aanu u xigtaysanay,hawsha loo wada socdaana waa dan qaran ee maaha mid xisbi iyo mid la kala riixanayo laakiin waa mid ujeedo qudha laga leeyahay oo ah in ay dadka codbixiyeyaasha ahi isu diiwaan galiyaan codbixinta doorashooyinka dalka laga qabanayo 2017,ka,”ayuu yidhi Maxamed  Diiriye Xayd.
 
Guddoomiye Xayd oo haladakiisa sii wata ayaa intaa ku daray  “Madaxda labada Xisbi Mucaaridba waxaanu dejinay oo ay imika ku sugan yihiin aqalkii Madaxtooyada qaranka ee magaalada Burco.  waxaa ugu sarreeya oo  weftiga WADDANI hoggaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Axmed Muumin Seed iyo Xoghayihiisa guud Maxamed Uuradde,waxay  ku sugan yihiin oo ay degan yihiin iyaga iyo Masuuliyiinta ka socota Xisbiga kale Mucaaridka ah ee UCID-ba Madaxtooyada qaranka waxaa ammaankooda sugaya oo ku sugan guriga qaranka  ee aanu dejinay ciidankii Madaxtooyada gobolka. markaa haddii labadii Xisbi Mucaarid aanu  xil iska saarnay oo aanu Madaxtooyada dejinay KULMIYE-na Huteelada Magaalada uu degay in ay  naga cawdaan maanaan filayn waxaanu nahaymasuuliyiintii ugu horreeyay ee  guriga Madaxtooyada qaranka ee gobolka dejiya mucaaridka,laakiin halkaa waxaa nooga muuqata in ay u qaadan waayeen sida wanaagsan ee aanu u qaabilay malaha in ay noo mahad naqaan ayay doonayeen laakiin afkaa dhaliisha iyo cambaaraynta ka bartay.”
 
Ugu dambayn guddoomiye Xayd waxaa uu bulshada gobolka Togdheer ku hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay ugu soo bexeen diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo maalintii sadexaan maanta ka socota gobolka Togdheer.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply