Xaaji Cabdi Waraabe Oo Dawladda Ku Bogaadiyay Siday Ula Tacaashay Caafimaadkiisa

0
294

Hargeysa(Dawan)- Waxa shalay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport lagu soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi waraabe) oo uu wehelinaayey Danjire Baashe Cawil Cumar oo isagu xaajiga u qaaday Imaaraadka si xaaladiisa caafimaad loogu sameeyo shaybaadh guud ama loo hubiyo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka, kana hortageen Wasiirro, wasiiru-dawlayaal, Wasiir ku xigeenno, Lataliyeyaal, Xildhibaanno, Xubno ka mida Golaha Guurtida, Masuuliyiin tiro badan oo kale iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan ka socday.
 
Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay halkaasi waxay  tidhi “ILAAHAY  baan ugu mahad naqaynaa inuu  xildhibaan Cabdikariim ku soo celiyo wadankiisi isagoo cagihiisa ku socda aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirkeenna jooga Imaaraadka Baashe Cawil  oo hawl yareeeyey safarkiisa caafimaad.  runtii waa illaahay mahadii, waxaynu dheernahay ummadaha kale waxaa ka mida Xildhibaan Cabdikariim. runtii waxaa weeyi waxyaabaha ummaduhu ay ka yaabaan innaguna ilaahay ugu mahad naqno ay tahay aynu qiimayno aynu had iyo jeer ogaano kolba xaaladiisu siday tahay, aynu ka war hayno oo aynu la socono qiimaynta uu leeyahay innagoo dhammi ay waajib inagu tahay inaynu qiimayntaa ku dayano, siduu u noolaa iyo siday noloshiisu ahayd ayey ka turjumaysaa caqligiisaasu.”
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanu yidhi “ Ilaahay baa mahad leh Xaaji Cabdikariim Xuseen oo aad garanaysaan Xildhibaan weynoo dalkeenna qiimo weyn ugu fadhiya, Xildhibaan weynoo taariikhda kaalin muhiima kaga jira, waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gacanta uu ka geystay safarkii hore ee loogu qaaday Addis ababa iyo safarkan dambe oo imika lagu geeyey Saldanada Imaaraadka Carabta caafimaadkiisana lagaga soo shaqaynayey, caafimaadku waa wax illaahay bixiyo laakiin dadka dedaal baa lagu leeyahay dedaalkaa waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ragga kale ee ay ka mid yihiin ragg iyo dumarba, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi, Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Baashe Cawil Cumar, illaahay baanu marka hore uga mahad naqaynaa marka xigina Madaxweynaha iyo inta gacan ka geysatay baan uga mahad naqaynaa, Waxaa ku dayasho mudan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) inta cumaamad sidata inta madaxtinimo kale qoolaaliyeysa iyo inta xilal haysa ama siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dayashuu mudan yahay xaaji cabdikariim sidaa caafimaadkiisa looga werweraayo in lagaaga werwero waad mutaysan kartaa hadaad Cabdi Waraabe ku dayato illaahay baanu ka baryeynaa inuu cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba inoo dheereeyo waanan uga mahad naqaynaa shacbiga Somaliland Madaxweynaha iyo Xukuumadaba.”
Sidoo kale waxa hadlay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Madaxdan sharafta leh ee  iga hor timi Wasiiradii, Madaxdii, Guurtidii, Baarlamaankii, Culimo awdiinkii Shacabka Somaliland  Waxaan illaahay ugu mahad naqayaa anigoo tallaabsanaya oo caafimaad qaba dee da’adii maahee wixii kale illaahay iga kor qaaday oo dawlada imaaraadka u maleegatay haduu dalkii igu soo celiyey isagoo nabada waa illaahay mahadii waxaan u mahad naqayaa dawladda imaaraadka Madaxdeeda iyo Minjaheeda shicibkii joogay ee Soomaliland iyo shicibkii Carbeed siday ii dhawrayeen iiga hor yimaaden ee iisoo bixitimiyeen dhakhtarkii igu maleegtayna waan u mahad naqayaa calankooda iyo keenuba ha raagee, safiirkii halkan iga kaxeeyey halkana i keenay imika ila socda oo la yidhaahdo Baashe Cawil Cumar ha baashado kor alle ha ka yeelo innagana gobanimada alle haynoo adkeeyo Madaxda alle haynoo raajo Madaxda markaan tegayaba horaynta iyo dermada iga horaysiisa Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Haweenkooda iyo Wasiirradu intuba waa mahadsan yihiin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply