Ciidanka Booliska Oo Gobolka Saraar Ku Qabtay 385 Tahriibe Oo Itoobiyaan Iyo Shan Qof Oo Tahriibinayay

0
521

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Hargeysa (Dawan) – Ciidanka booliska ee degmada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar,  ayaa  gacanta ku dhigay 385 qof oo u dhashay wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, kuwaas oo dhammaantoodba tahriibeyaal ahaa. Waxa kale oo ciidammaddu qabteen  shan magafe oo tahriibeyaasha intaas leeg tahriibinayay, sida ay caddeeyeen  Gudoomiyaha Gobolka Saraar, Cali Maxamed Faarax iyo  taliyaha qeybta Booliska Caynaba Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed.

Taliyaha booliska ee degmada Caynaba Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed ayaa isagoo sharaxaad ka bixinayay  musaafiriintan ay qabteen waxa uu yidhi “Dadka halkaas joogaa waa 385 qof, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumarba, dhamaantoodna waxay ka yimaadeen wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya. Dadkan oo u badan dhalinyarro way tahriibayeen. Hadda waxaanu gacanta ku haynaa shan qof oo magafeyaal ah, kuwaas oo ahaa kuwii dadkan tahriibinaayay, sharciga ayaanu  horgayn doonaa. Markaa dadka arrimaha tahriibka ku lug leh waxaan u sheegayaa in tallaabo adag aanu  ka qaadi doono.”

Guddoomiyaha gobolka Saraar  Cali Maxamed Faarax, ayaa waxa uu sheegay in ay tiradda  tahriibeyaasha ah ee intaa leeg ay ku soo qab-qabteen hawl gal balaadhan oo ay ku qaadeen. “Waa hawl-gal qaran oo lagu badbaadinaayo dalka, runtiina waxaan ugu mahad-celinayaa taliyaha qaybta booliska ee goboka Saraar, maayarka iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay. Tiradani waa tii ugu badnayd ee ciidamdaa boolisku gacanta ku soo dhigaan,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu,waxaanu intaas ku daray  “Dadka muwaadiniinta ah ee arrimahan ku hawlani yaanay moodin in aan lala socon, waxaan baaq dheer ugu dirayaa dadkaa haddii ay waantoobi waayaan in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.”

“Qofkasta oo tahriibe ah waanu qaban doonaa, haddii uu lugaynayo iyo haddii uu gaadhi la socdaba. Waxaanu dadkaas uga digaynaa in aanay arrimahaas isku dayin.” Ayuu yidhi maayarka degmada Caynaba Faysal Axmed Jaamac (Sanweyne) mar uu fariin  u dirayay dadka tahriibta beegsanaya ee raba in ay sii dhex maraan Somaliland.

Waa hawl galkii ugu cuslaa ee ciidamada boolisku ku qaadaan falalka tahriibta, waana markii ugu horaysay ee hawlgal ay qaadaan ciidamada boolisku ay ku soo qab-qabtaan dad tariibneyuaal ah oo inta leeg.

Leave a Reply