Wasiirka Madaxtooyada Oo Xukuumadda ka Difaacay Eedaymo Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

0
421

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa xukuumadda ka difaacay eedaymo xisbiga WADDANI uga yimi oo ku saabsan in xukuumaddu aanay daacad ka ahayn diiwaangelinta codbixiyaha, isagoo sheegay in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay la shaqaynta Koomishanka Doorashooyinka.
Md. Maxamuud Xaashi oo shalay warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ay masuuliyadeeda leeyihiin Koomishanka Doorashooyinka, xukuumad ahaana wixii looga baahna ay dhammaystireen.
“Waxa naga go’an in aannu garab galno Guddida Doorashooyinka Qaranka,  nagamay soo caban Komishanku saluugna may muujin, dabac-na nagu dhaliilay oo qaybtii nalaga doonayey ee waajibka nagu ahayndna lama maqal, waxaan ka xumahay Xisbiga Waddani madaxdiisa u saraysa inay Af labadiisa daan warbaahinta horteeda ka yidhaahdeen Xukuumaddu hawshaa Diiwaangalinta daacad kama aha, waa nasiib darro Erayada noocaas ahi, way shalan tahay in erayada noocaasa Warbaahinta laysu mariyo, Gudoomiyaha Waddani iyo Madaxdiisu Saluug ay qaabaan-na noomay soo gudbin, dhaliil ay qabaana may soo gudbin.
Anigu Madaxweynaha Masuulka la shaqeeya ayaan ahay noomay soo gudbin tabashooyinka ay ka muuqijnayaa shaqadaas, anaga qaybta na khusaysa, warbaahinta ayaan ka maqlayey shacabigani waa mid bisil lama jaah wareerin karro, anagu Xukuumad ahaan Gudidda Doorashooyinku cabasho noomay soo gudbin, balse waxaan leeyahay halka xisbiyada naga dhaliilayeen, Komishanku iyagoo warbaahinta la hadlaya ayey Madaxweynaha  iyo Xukuumadiisa doorka ay diiwaangalinta ka qaateen hambalyeeyeen.  cida arrintaas masuulka ka ahni waa Guddidda Doorashayooyinka Qaranka, iyagaana qiimaynaya arrintaa, cida labaad ee ay kaashanayaana waa Xukuumadda Xisbiyada qarankuna waa Daneeyeyaasha arrintan.
Waxaan halkan ka cadaynayaa in Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo uu Madaxweynaha ka yahay inay ka go’an tahay inay dalkan ka hirgaliso Diiwaangalin madani ah, oo aan hore u dhicin taariikhda Somaliland oo ah guul weyn oo qarankani uu gaadhay, inta hadhayna hadda ayaa dib loo bilaabay oo deegaannada la wadagaadhsiinayo, ahna mid waligeedba socon doonta, Sidoo kalena diiwaangelinta codbiyeyaasa iyaduna ay tahay mid hadda soconaysa oo inoo bilaabantay, waxay ka mid yihiin diiwaangelinaha Xukuumadda Somaliland ay horumarka u aragto, waxaana ka go’an inay hir galiso,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa kale oo uu xusay in Sadex arrimood oo Xukuumadda laga doonayey ay Fulisay waxaanu yidhi “ Anagu ka Xukuumad ahaan sadex maysin ayaanu ku leenahay Kow, waxaanu ku leenahay nabad galayada qaranka inaanu sugno oo nabad galyada goobaha diiwaangalinata inaanu sugno, waa anagu waajib, waanu sugnay. Hadii aaanan daacad ka ahayn maanaan samayneen, laba waxa nalaga doonayey kharashka ku baxaya qaybtayada waanu bixinay, balse kii aanu isla ogayn xitaa EU-du ogayd mid ka badan ayaanu bixinay, oo soo baxay beesha Caalamkuna ay tidhi anagu kharash uma ahayno, Madaxweeynaha oo arrintani ay ka go’an tahay iyo Taariikhda uu doonayo inuu ka tago darteed ayaanu u bixinay. Madaxweyne aan tartamaynin waxa dhaxalkiisa wuu Umaddan uga tagayo ka mid inuu suuro galiyo Diiwaangalin sax ah iyo Doorasho xalaal oo dalka ka qabsoonta, anaga oo taas ka duulayna ayaanu meel marinay oo dhaqaale iyo culaysyo kale aanu qaadanay oo laga yaabo ina Xisbiyada mucaaridku aanay qaarkood xogogaal ka ahayn. Komishanka Qaranka ayaa, markhtaasi ka ah, oo iyagaana qiray.
Waxaaan leeyahay waxa naga go’an inaanu dalka ka hir galino Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyin,  arrintaasna waxa muujinaysa Safarkii Madaxda xisbiga KULMIYE ay ku tageen Gobolka Togdheer markii la furayey Diiwaangalinta, waxaan arkayey iyadoo arirntaas naglagu dhaliilayo, “Waar reerka Sidee loo galayaa,?”  marka Xisbi xaakimkii KULMIYE uu dhaqaaqo ee uu yidhaa dadku ha is diiwaangaliyo, in nalagu dhaliilo waa oo laga qayliyo marna ka yidhaa Xukuumadu daacad kama aha, erayadaasi waa kuwo iska hor imanaya waxa muujinaysaa in aanu nahay Xisbiga Kaliya ee Gudoomiyihiisu uu diiwaanglaintii tagay, waxanu nahay Xukuumad iyo Xisbi mudakar ah oo Ooyootanka, dacaadayaha iyo beenta aan Siyaaasad u aqoon, ugu damybayn waxaan leeyahay waar codku ha dambeeyee aynu dadka Diiwaangalino.” Ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland.”
Wasiirku waxa uu shacabka ugu baaqay in ay qataan kaadhka codbixinta, si ay u helaan xaqooda codaynta, waxaannu yidhi; axaan jecelahay shacbiga Somaliland inaan halkan farriin uga diro wakhtigan aynu ku jirno ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Aniga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ku dhiirigelinayaa shacbigu inay ka qayb qaataan diiwaangelinta codbiyeyaasha  oo fursadaa ay ka faa’iidaystaan, gaar ahaan gobolka Togdheer ee ay imika diiwaangalintu ka socoto, Gobolka Awdal-na uu ku xigi doono sida ay Guddida Doorashooyinka Qaranku qorsheeyeen. Waa in loo diyaar garoobaa oo aynu ka faa’iidaysanno, oo codkeena soo saarno, oo dadku ay xaqiijiyaan xuquuqdooda codbixineed ee aas-aasiga ah, waxaan leeyahay bulshadu ha ka faa’iidaysato.”

Leave a Reply