Dhaqaalaha Shiinaha oo Gaadhay Meeshii u Hoosaysay

0
422

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kobcay 6.9 % sanadkii 2015, sanadkii ka sii horeeyayna wuxuu kobcay 7.3% taas oo ka dhigaysa in kobaca dhaqaaluhu uu gaadhay meeshii ugu hoosaysay muddo 25 sano ah.
Kobaca dhaqaalaha Shiinaha ayaa loo arkayay in uu kala wado dhaqaalaha adduunka, walaac ayayna arrintani ku abuuraysaa maalgashatada adduunka.
Beijing waxay si rasmi ah u qabsatay korodh dhaqaale oo gaadhaya 7% waana waddanka labaad ee ugu dhaqaale badan adduunka.
Rai’sal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa sheegay in la aqbali karo dhaqaalaha gaabiska ku socda inta shaqooyin cusub la abuuri karo.
Qaar ka mid ah dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in dhaqaalaha Shiinuhu uu ka hooseeye heerka ay sida rasmiga ah u shaacisay dawladdu, laakiin xukuumadda shiinuhu way beenisay in ay wax ku dartay tirada ay shaacisay.
Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in dhaqaale kasta oo ka hoosmara 6.8% uu sababi karo daganaansho la’aan.
Dhaqaalaha Shiinuhu in uu hoos ugu dhacay 6.8% qaybtii dambe ee sanadkii hore waxaa shaacisay waaxda tirakoobka qaran.
 
 

Leave a Reply