Horumarka Sayniska oo laga Digay

0
473

Bini’aadanka ayaa khatar ugu jira horumar ay ayaga sameeyeen, sida uu sheegay Prof Hawking.
Dagaal Nuckliyeer, cimilada kululaanaysa iyo DNA-da la badalo ayaa ka mid ah waxayaabaha uu tusaale u soo qaatay.
Wuxuu sheegay horumarka laga gaadho sayniska iyo technolojiyada inay abuuri doonto “siyaabo cusub oo ay wax ku qaldamaan.”
Prof Hawking ayaa sheegay in bini’aadanka markii la gaadho waqtiga biniaadanka uu ku noolaado meerayaasha samada, markii khasaaro uu ka dhaco adduunka bini’aadanka wuu ka badbaadi karaa.
“Laakiin, si joogta ah bini’aadanka uguma noolaan karo samada si joogta ah inta ka horaysa laba boqol oo sano, marka waa in waqtigan aan samaynaa taxadar”.
Prof Hawkin ayaa markii ugu horaysay ka hadli doona BBC Reith Lecture.
Waxaa ah khilaaf, in qof saynisyahan wayn ah inuu muujiyo horumarka sayniska inay khatar ku tahay adduunka.
Waqtiyo hore , wuxuu sheegay khatarta ay yeelan karto komputerada maskaxda ku shaqeeya (AI) inay noqdaan kuwa awood badan oo bini’aadanka baabi’iya.
Laakiin wuxuu ku adkaystay in la heli doono hab looga hortago.
“Ma joojin doono inaan horumar gaadhno, ama aan dib u noqono, marka waa inaan aqoonsano qatarta oo aan helna hab looga hortago. Waxaan aaminsanahay inaan awoodno.”Horumarka Sayniska oo
“Wuxuu sheegay saynisyahanada mustaqbalka inay ogaadaan horumarka sayniska iyo teknolojiyada inuu badalayo adduunka iyo in dadka la fahansiiyo.
“Waa muhiim in la hubiyo isbadaladan inay u socdaan dariiqa saxda ah. Bulshada dimoqraadiga, micnaheedu wuxuu yahay qof walba wuxuu u baahan yahay inuu fahmo aasaaska sayniska si uu go’aan uga gaadhi karo mustaqbalka.
“Marka si faahfaahsan u sheeg sayniska aad samaynaysid, waxaa laga yaabaa xataa inuu adiga kaa caawiyo inaad fahanti.”
Tan iyo intii Prof Hawking uu ku dhacay cudurka motor neurone, dadaalkiisa inaysan curyaanimadiisa hor istaagin shaqadiisa ayaa adduunka oo dhan soo jiidatay dadka..
Inantiisa ayaa ah qoraa, waxayna la qortay aabaheed buugaagta sayniska ee carruurta.
 

Leave a Reply