Gymka Iyo Jimcisga Waxyeelo Ayay Keenaan!

0
1002

Cilmi baadhayaal ka tirsan dalka Austarelia ayaa cadeeyay in caruurta yaryar ee buuran marka la siiyo jimcisiga jidhka si looga yareeyo baruurta badan ay taasi u keento dhibaato ka culus cayilka.
Daraasadda ayaa cadaysay in caruurtani lugahooda ay soo gaadho waxyeelo badani. Waxaana ay ka digtay in habkan jimicsiga loo diro, taasi oo waxyeelo weyn u geysta firfircoonida jidhka.  Dr.Redford oo ka tirsan jaamacadda Lonjong oo hogaaminayay cilmi baadhayaashan ayaa sheegay in jimcisigani uu si gaar ah waxyeelo u gaadhsiiyo neerfiyada lugaha caruurta yaryar.  Firfircoonida jihdka ayaa ah arin caafimaad ahaan mudan in la ilaaliyo iyadoo haddana la isku deyayo in la yareeyo cayilka xad dhaafka ah iyadoon la adeegsan jimcisgan. Jimicsigu Maaha mid wax ka taraya cayilka waxaana uu sababaya arin ka sii daran buurnida. Daraasadda ayaa cadaysay in caruurta lagula dadaalo dabaasha, kaxaynta baaskiiladaha, ordka iwm kuwaasi oo  aan waxyeelo gaadhsiinayn firfircoonida jidhka caruurta.

Leave a Reply