Xikmaddaha Dadka Wanaagsan

0
477

Cali Bin Abii Daalib (Kw), wuxuu yidhi:- Caalamku wuxuu ku Taagan yahay Afar Tiir, mid Haddii la waayo Dhamaan wuu Dumaya, waxayna kala yihiin:-
1- Qof  Cilmi leh oo Cilmigiisa u Gudbinaaya Dar Allah.
2- Jaahil aan ka san Taagaynin (is kibrin) inuu Wax Barto,
3- Maalqabeen (Taajir) aan Kibir lahayn oo Dar Allah wax u Bixinaya.
4- Sabool ku Qanacsan Faqrigiisa.
“Xantu waa baabiisa camalka wanaagsan, Kan wax xamanayaa wuxu haystaa mishiin camalkiisa wanaagsan ku tuuraya bari, galbeed , bidix iyo midig”
“ Liibaantu dhamaanteed waa in qofku naftiisa xakameeyo, Xumaan oo dhami waa isagoo naftiisa sii diiya”
“ Hadalka debecsani wuxu jilciyaa quluubta ka adag dhagax casa ah, hadalka xumina wuxu kharibaa quluubta ka khafiifsan xariirta”
“ Haddii laga aamusi lahaa waxaan la garanayn, khilaafka dadkuna wuu yaraan lahaa”.

Leave a Reply