Maado Laga Helo Saliida Kalluunka Oo La Ogaaday In Daaweyn Karo Waalida

0
1646

Warbixin ey soo saareen seynisyahanno baaritaano ku sameynayey ka hortaga cudurka waalida ama buufiska ayaa sheegay in maado laga helo saliida Kaluunku(malaygu) ka hortagto cudurka khafiifka ama waalida ee afka qalaad lagu yiraaho psychotic disorder, .
Warbixintan oo lagu daabacay journaalka la yiraahdo Archives of General Psychiatry ayaa la sheegay in lagu sameeyey baaritaan dhalinyaro badan oo qaba cudurkan Khafiifka si loo ogaado in saliida Malaaygu (omega 3) wax ka tiri karto waalida iyadoo la sheegay in kadib markii ey qaadanayeen muddo laba usbuuc ah ey badankoodu ladnaadeen.
Horjooga daraasaadka lagu sameeyey waxtar saliida maleyga Dr. Paul Amminger oo u shaqeeya jaamacadda Medical University of Vienna ayaa sheegay iney arintani horseedi doonto in walax dabiici ah lagu daaweeyo cudurka waalida kadib baaritaankan aan sameynay waa sida uu yiriye.
Maadada Omega-3 ga ayaa la helaa cunida kalluunka kala duwan sida Yuumbiya, tuunada iyo Makarelka iyo qubada intaba iyadoo wadanka somalia uu ku jiro wadamada ilaahey ku maneystay waxyaabaha dabiiciga ah ee caafimaadka u fiican.

Leave a Reply