Afar Guddi Hoosaad Oo Warbxinno Ka Hor Jeediyay Aqalka Golaha Guurtida

0
403

By: Jamaal C/raxmaan Macalin

Hargeysa (Dawan) – Qaar ka mid ah  guddi hoosaadyada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixinno lagaga dhagaystay fadhigii shalay ee golahaas oo uu shir-gudoominaayay gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddi hoosaadyadan warbixinahooda ka hor jeediyay golaha ayaa waxa ka mid ahaa,  guddida nabadgelyada iyo difaaca, guddida dhaqaalaha, guddida siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga iyo guddida guddida shuruucda iyo garsoorka ee golahaaas.

Xildhibaan Axmed Cali Aadan oo ku hadlayay afka guddi hoosaadka nabadgelyada iyo difaaca ayaa isagoo ka hadlaya waxyaabihii ay ka hawl galeen waxa uu yidhi “Guddidu waxay garawsatay baahida loo qabo wax ka qabashada arrimaha dilalka ah ee dalka ka dhaca, dhalinyarada habeenkii rabshadaha samaysa, dadka ajaanibka ah ee tahriibka ku yimaada dalkeenna iyo soo afjarida isku dhacyada beelaha, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada, una baahan in wax laga qabto.”

Xildhibaan Axmed Cali isagoo hadalkiisa sii watay  waxa uu intaa ku daray “Guddi ahaan waxaanu soo jeedainaynaa in la sameeyo ciidanka ka hortaga rabshadaha ama mudaharaadada, kuwaas oo ku qalabaysan qalab aan dadka waxba yeelayn.”

Xildhibaan Axmed Wali Warsame oo ah gudoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golahaas ayaa waxa uu bogaadin u soo jeediyay sida xukumaddu uga shaqaysay hawlaha dhaqaalaha  ee dalka, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Markii hawsha la inoo diray dalku xaalada dhaqaalaha wuxuu marayay meel aad u xasaasi ah, nasiib wanaag hawl badani naguma dhicin oo madaxweynahaa waxa uu sameeyay guddi dhaqaalaha ah, kuwaas oo arrintiiba si fiican u dhigay.”

 Guddoomiyaha guddida siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ee golaha guurtida Axmed Daahir Jirde,  ayaa isagoo sharaxaad ka bixinaya tallaabooyinkii ay guddi ahaan qaadeen waxa uu yidhi “Guddi ahaan waxaanu hawl shaqo ugu tagnay wasaaradda duulista hawada iyo wasaaradda qorshaynta qaranka. Wasaaradda duulistu waxay noo sheegeen in dalku leeyahay todoba madaar, oo laba ka mid ahina ay shaqeeyaan, kuwaas oo kala ah Hargeysa iyo Berbera. Madaarada aan shaqayna waxa ka mida madaarka Boorama, Kalabaydh, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Burco.”

Sidoo kalena, Gudoomiyaha guddida shuruucda iyo garsoorka  Maxamuud Xareed Rooble, ayaa isagoo ka hadlayay masuuliyiintii ay kulamada la yeesheen. “Guddidani waxay kulamo ugu tageen, xog waraysiyana la yeesheen hay’addaha dawlada ee kala ah, wasaaradda cadaaladda, wasaaradda diinta iyo aw qaafta, komishanka xuquuqul iinsaanka, xeer ilaaliyaha guud iyo gudoomiyaha maxakamadda sare,”ayuu yidhi Xildhibaan Xareed.  Xildhibaan Maxamuud Xareed isagoo hadalkiisa sii watay  waxa uu yidhi “Masuuliyiintaasi dhammaantood warbixinahooda waxay noogu sheegeen in dedaal ugu jiraan sidii ay kor ugu qaadilahaayeen adeegyada ay bulshada u hayaan.”

Dhammaan guddiyadan ayaa waxay shacabka Somaliland ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan adkayn ammaanka guud ee dalka, iyagoo sidoo kalena xukumada ku bogaadiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka fulisay, qaarna ka wado guud ahaan dalka. Waa markii ugu horaysay ee golaha guurtidu hal mar warbixino ka wada dhagaysto afar guddi hoosaad.

Leave a Reply