Xanuunka Afqallooca

0
2663

Cudurka af qallooca loo yaqaano ayaa ah, cudur ku yimaada ama wax waxyeelleeya dareenwadaha(nerves), gaarahaan dareen wadaha 7 aad oo loo yaqaanno (Facial nerve).
Af qallooca ayaa laba nooc ah; nooc waxaa loo yaqaan facial palsy kaasoo inta badan ka yimaada ,dhibaatta gaarta dareenwadahda 7aad qeybaha sare ee maskaxda ,sida dadka qaba cudurka stroke ga(masskaxda oo dhiig ka xermo ama ku furmo).
Nooc kale ayaa ayaa loo yaqaanaa bell’s palsy waa kana an ka hadleyna oo ah, dhibaatta ku timaada dareen wadaha maskaxda ka banaanka (maskaxda inteeda kale wax ma gaarsana );sababta lama yaqaano keenta cudrkaan, lakin culimada qaar ayaa rumeysan inuu ka imaan karo virus,taasoo sababa inuu dareen waduhu bararo kadine sidii loogu tala galay u shaqeyn waayo.
Astaamaha cudurkaan lagu garto:
• Afka oo dhinac u qalloosama
• Isha oo si quman u xermin dhanka dhibtu ka jiro
• Afka dhinaca xanuunsan oo dhaqdhaqaaqiisu yaraado
• Dhareer afka ka yimaada dhinaca xanuunsan
• Foolka sare dhanka xanuunsan oo riigada ka lunto
• Qofka oo afka buufin Karin
• Raashinka oo dhinaca xaanuunsan ka buuxsama
Waxyaaba soomaalidu ka aaminsatahay cudurkaan:
• Il ama qumayo
Sida soomaalidu u daaweeyaan dhaqan ahaan:
• In ey gubaan afka dhnacyadiisa ama dhigaha hoostooda
• Joos oo afka la galiyo dhinaca dhacsan
Fiira gaar ah!!!!!!!!!!
Waxyaabahaas waxba kama jiraan , waxna kama badalayaan cudurka, kaliya waa ina daawada cudurka la qaatto dhaqtarne loo tago si uu talada saxda ah kaaga siiyo.
Dr Ibrahim Adow
Qoraa dhanka caafimaadka

 

Leave a Reply