Xukuumadda Somaliland Oo Bilowday Hawl-gal Ay Dalka Kaga Saarayso Dadka Ajaanibka Ah Ee Sharci Darrada Ku Jooga

0
482

By: Khadar M.Xaashi

 
 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Cali Maxamed Warran-cadde, ayaa sheegay in ay dhibaato adag la kulmi doonto laga bilaabo bisha feberwari ciddii  shisheeye ah ee aan sharciyad dalka ku joogin, isagoo xusay  in muwaadinkii qof ajanabi ah oo aan sharci haysan caawiyana sharciga la horgeyn doono.

Wasiir Warran-cadde oo uu weheliyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa  ayaa ka hadlay hawl-gal ciidammada Somaliland shalay ku qaadeen dadka ajenabiga ah ee gobollada iyo degmooyinka dalka ku sugan.

“Waxaannu shacabka iyo dadka ajaanibka ahba u  sheegaynaa in arrintaasi fulayso, bisha labaad kowdeeda  cidda loogu  yimaado iyadoo  aan    sharci la hayn ama  ka bixin  wadanka  waxay la kulmaysaa dhib badan. Sidaa awgeed waxaannu dooonayna in aannu dadka u sheegno cid kasta oo dalka Somaliland joogta in ay sharci ku joogaan, sharcina ku soo galaan amma waa in ay ka baxaan,” ayuu yidhi Md. Cali Warrancadde.

 Wasiirku waxa uu digniin u diray muwaadiniinta gacan siiya dad ajenabi ah amma qariya iyo waliba gaadiidlayda dalka soo galisa, waxaannu yidhi; “Waxaannu dadweynaha la socodsiinaynaa cid kasta oo lagu qabto, iyadoo gacan siinaysa qof wadanka sharci darro ku soo galay amma ku jooga waxa la hor geyn doonaa sharciga, waxaanay mutaysan doontaa xadhig. Sidoo kale, gaadiidka lagu qabto, iyagoo si sharci darro ah dalka u soo gelinaya dad ajenabi ah amma sharci ay dalka ku joogaan aan lahayn, marka hore waxa lagu ganaaxi doonaa lacag $1000 dollar ah, mar labaadkana waxa si toos ah loogala wareegi doonaa gaadiidka.”

Wasiir Warrancadde waxa uu sheegay in ajenabiga dalka ka shaqaysta looga baahan yahay waraaqo sharci ah iyo qof Somaliland u dhashay oo wakiil ka noqda, waxaannu yidhi;  “Waxa la  ogol  yahay  qof dad ajanibi ah la shaqaysta ama ay u shaqeeyaan in ay qaataan  sharciga degenaanshaha iyadoo uu wakiil ka noqonaayo qofka Somalilanderka ahi,”

 Wasiirka daakhilugu waxa uu muwaadiniinta ugu baaqay in ay qataan kaadhka dhalashada, haddii kale ay carqalad la kulmi doonaan. “Wasiirku waxa kale oo sheegay in dhawaan ay xukumaddu bilaabi doonto hirgalinta kaadhka dhalashada, ciddii aan haysana ay waayi doonto adeegyada kala duwan ee bulshada,waxaanu yidhi  “Dhawaan waxaannu bilaabi baadhitaanno, waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan dadka reer Somaliland ee aan qaadan kaadhka dhalashada in ay si deg dega u qataan si ay uga nabad-galaan dhibaatada kaga iman karta magaalada gudaheeda iyo marka meelaha kaantaroolada dalka laga soo gelayo  ay marayaan.”

Md. Warran-cadde, waxa uu dawladaha hoose ugu baaqay in ay muwaadiniinta sameeyaan goobo ay kaadhadhka dhalashada ka qataan, waxaannu yidhi; “Dhammaan dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka waxa aan ku amrayaa meelo ay dadku ka qataan kaadhadhkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato in ay dadku isdiiwaangeliyaan. Dadweynaha waxaan u sheegayaa in kaadhkaasi ay ku xidhmi doonto wax kasta oo ah adeegyada bulshada ee dadku u baahan yihiin, kaadhkaasina uu noqon doono furaha uu qofku ku heli doono baahiyihiisa, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada, xawaaladaha iyo waxyaabaha kale ee la midka ah.”

Xukuumadda ayaa ururisay shalay ururisay dad ajenabi ah, iyadoo aan wali dhammaan muddo 30 maalmood ah oo loo qabtay, kana bilaabmayey kowda bishan, waxaana lagu ururiyey laanta socdaalka dad badan oo ajenabi ah, kadib markii xukuumaddu dhammaadkii December ay soo saartay go’aammo lagu adkaynaayo xuduudaha iyo nabadgelyada dalka oo ay qeyb ka ahayd in dadka ajenabiga ah dalka ka baxaan.

Leave a Reply