Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay 7 Nin Oo Gaadhi Ka Af-duubay Jidka u Dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera

0
474

Hargeysa(Dawan)-Taliyaha guud ee ciidamada booliska Jamhuuriyadda  Somaliland Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen koox dabley ah oo gaadhi ka afduubay wadada u dhexeyasa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Sareeyo guuto Fadal, ayaa  tilmaamay in ciidamada boolisku qabteen   toddoba qof oo  ku eedaysan fal lagu afduubay Baabuurkaas, waxaanu  wacad ku maray in ciidammada boolisku ay  gacan bir ah  ku qaban doonaan cid kast oo isku deyda fal nabad-gelyadda dalka wax u dhimi kara.
“Salaasadii   abaaro 4:30  ayaa kooxi ay Gaadhi ku afduubeen  meel u dhaxaysa  Hargeysa iyo Berbera, waxaanay ka duween jidkii, markiiba ciidanka Boolisku wuu ka hawl-galay, waxaana gacanta lagu hayaa 7 eedaysane iyo laba Baabuur, waxaana lagu hayaa magaaladda Go’da weyn. Baabuurkan la afduubayna ciidanka Booliska ayaa imika gacanta ku haya,”ayuu yidhi Taliyaha ciidabka Bilayska oo shalay u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
 
Taliyaha Bilaysku waxa uu falkan ku tilmaamay mid fool xun oo ah mid ugub ku ah Somaliland, waxaanu yidhi “dableydani waxay sameeyeen  fal fool xun oo aan hore dalka uga dhicin. Waana wax aan loo dul qaadan karin. Ninkan baabuurka laga dhacay waa nin dalka ka shaqeysanayay  oo aan isagu waxba hore cid uga dhicin. Ciddii tallaabadan oo kale isku deydana waxaanu marinaynaa sharciga.”
 
Taliye Cabdilaahi Fadal oo la weydiiyay nin habeen saddexaadkii lagu dilay Hargeysa oo ka soo jeeday deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu yidhi  “Fal wuu dhacaa, hase yeeshee    gacanta ayaanu ku haynaa, dadna baadhis ayaan ku xidhnay. baadhis ayaaanay arrintaasu ku jirtaa waxaanay ka mid tahay dhacdooyinka dhaca.”
Baabuurkan ayaa la sheegay inuu lahaa nin ka soo jeeda deegaamadda maamul goboleedka Puntland, waxaanu warku intaas ku daray in ninkii afduubayna uu tirsanayay aanooyin hore oo hanti lagaga dhacay Puntland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply