Dareenka Caruurta Iyo Xanaanada Hooyada!

0
438

Wiil yar oo hooyadii dhimatay, ayuu aabihii guursaday gabadh kale. Maalin ayuu wiilkaasi Odaygu weydiiyay hooydiisii hore iyo hooyadan imika waxa u dhexeeya ? Wiilka yar ayaa ku jawaabay hooyadaydii runta ahayd waxay ahayd beenalay, laakiin tani runta ayay sheegtaa.
Aabaha ayaa yaabay oo waa sidee ?  wiilka yar ayaa yidhi  markaan soo ciyaaro way cadhoon jirtay waxayna odhan jirtay hadii aanad iska dayn ciyaartan, cunto danbe ku siin maayo.
 
Maan joojin jirin, way isoo raadin jirtay oo ay ii kaxayn jirtay guriga haddana markiiba  way isiin jirtay cuntadii.  Imika miyaa, Hooyadan  cusub waxay tidhi haddii aanad joojin kuma siinayo cunto. Way kaga dhabaysay hada waanigaa gaajoonaya maanta oo dhan waxba ma cunin.  Aabaha ayaa ogaaday farqiga u dhexeeya labada hooyo. Adna Akhriste waad dareentay.

Leave a Reply