Robot-ka Qalabka Loo Yaqaano Oo La Filayo Inuu 2020-ka Qabto 5 Milyan Oo Shaqo

0
351

Qalabka Robot-ka loo yaqaano oo u shaqeeya sida dadka oo kale ayaa la filayaa inuu sannadka 2020-ka qabto ilaa 5 milyan oo shaqo, kuwaas oo ah kuwa ku adag dadka, iyada oo uu dalabka lagu samaynaayo qalabkaasi shaqada qaban doona uu ka yimid shirkaddo badan.
Khubarada qalabkan gacanta ku haysa ayaa sheegay in la filaayo in sannadkaasi ay meesha ka baxdo ilaa 1.5 Million oo shaqo, kuwaas oo kala duwan,waxaanay intaasi raaciyeen in ay tiradani ka mid noqon doonto shanta Milyan ee shaqo ee la filaayo inuu qalabkani qabto.
Shaqooyinka ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwa ay dumarku qabtaan oo ay ku jiraan kuwa guryaha laga qabto,sida lagu sheegay daraasad laga sameeyey qalabkan iyo shaqada loo diyaarinaayo oo lagu daabacay wargeyska dhaqaalaha ka sheekeeya ee Davos Economic Forum oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan .
Qoraalkan wargeyska lagu daabacay ayaa lagu sheegay in ay shaqooyinkaasi kamid noqon doonaan meelaha maamulka, gaar ahaan dhinaca xoghaynta iyo sidoo kalena dhinaca suuq gaynta, waxa kale oo ku jiri doona meelaha loo isticmaali doono dhinaca ganacsiga iyo sidoo kale dalxiiska.
Raga ayaa sidoo kale la sheegay inay soo food saari doonto saddex meelood laba meelood, kuwaas oo waayi doona shaqadooda, waxaana la sheegay in uu kani kamid yahay waxyaalaha dhibka ku noqon doona caalamka, dhanka shaqada marka loo eego.
Daraasadan sameeyeyaasha sameynaayey daraasadan ayaa sheegay in shaqooyinka lumaaya  mustaqbalku ay qaarkood faa’iido u noqon doonaan bani’aadmiga, madaama oo ay hore ugu adkaayeen, sidoo kalena faa’iidooyin kale oo dhinaca maamulka ah laga helaayo.

Leave a Reply