Hawada Oo Cadarka Lagu Badiyaa Waxay Khatar Ku Tahay Caafimaadka Bani’aadmiga

0
367

Dhakhaatiir dhanka caafimaadka dadka daraasad ka samaysay ayaa dhowaan natiijo ay kazoo saareen daraasadaasi waxay kaga digeen cadarka oo meelaha hawadu ku yar tahay lagu badiyo, kaas oo ay ku sheegeen inuu khatar ku keeni karo ama ku yahay caafimaadka dadka goobtasi ku sugan.
Khubaradan oo uu hor kacaayey dhakhtar lagu magcaabo Professor Alastair Lewis ,waxaanu bare ka yahay maxadka lagu magcaabo Climate Studies oo ka tirsan jaamacadda British University of York waxay sheegeen in ay tijaabadan intii ay wadeen ay dadka ku tijaabiyeen meelo kala duwan, iyaga oo isticmaalaayey cadaro kala duwan oo ay ugu badnaayeen kuwa laga sameeyo liin macaanta iyo liin dhanaanta, taas oo ay sheegeen in uu dhibaato ku keenay dad badan oo ku neef qabatoobay.
Culimadan ayaa sheegay in cadarada loo yaqaano Fresh ku ay yihiin kuwo ka khatar badan aalada qabowga iyo kulaylka loo isticmaalo ee Air condition-ka,taas oo hore loogu aaminsanaa in uu yahay mid dhibaato badan hawada ku keeno madaama oo aanu dabiici ahayn.
Cadarkan ayay saynisyahanadani sheegeen in uu 100 jeer ka khatar badan yahay aaladaasi hawada loo isticmaalo ee Air Condition-ka,waxaanu Professor Lewis sheegay in cadarku uu hawada raaciyo waxyaalo aartikalo ah kuwaas oo laga yaabo in aanay qaban timaha yar yar ee sanka ku yaala,kuwaas oo toos u raaca dhiiga,waxaanay keenaan in uu xidh xidhmo dhiigu.
Waxyaalaha ku jira cadarka ayaa hore loogaga digay inay waxyeelaan indhaha iyo sanka kuwaas  oo yeesha dhiig sanka ka yimaada inta badan qofka ama dadka,waxaanay ku taliyeen khubaradani in guryaha dhir lagu beero hareerohooda,daakhadaha qolalka lagu buufinaayona la furo,si ay dhirtaasi u nuugto cadarkaasi suntan ku jira.
 

Leave a Reply