Maxaad Ka Taqaanaa Shayga Ugu Cabsida Badan Nolosha Caalamka?

0
396

Khubarada ku takhasusay cilmiga loo yaqaano Physics ka ayaa dhowaan daraasad ay sameeyeen waxay kusoo saareen shayga keliyaata  ee khatarta iyo cabsida ku haya dadweynaha caalamka ama bani’aadmigaba.
Culimadan saynisyahanka ah ayaa ku sheegay natiijadii daraasadaasi in shayga keliyaaga ee dhibta iyo cabsiga ku haya caalamka bulshada ku nooli yahay hubka wax gumaada, sida lagu daabacay wargeyska the Gurdian oo uu kazoo xigtay warbixintan wargeyska Dawan, waxanay culimadani sheegeen inay rumaysan yihiin in technology-ga horumarka uu samaynayaa yahay mid aan la kaantarooli Karin ama la aan lala socon Karin, taas oo khatar badan ku haysa caalamka, gaar ahaana dhibaatada iyo aafooyinka hubka wax gumaada ee Nurclear-ka.
Khabiirka madaxda u ahaa khubaradan oo lagu magcaabo Hawking ayaa sheegay in ay aad uga wer wer qabaan saynisyahano ahaan dhibaatada uu caalamka u keeni karo aalada technology-ga ee horumaysaa, taas oo akhiritaanka sababi karta in cid waliba si fudud u hesho hubabka wax gumaada, kuwaas oo aan la joojin Karin, laakin ay tahay in laga hor tago, lana diyaariyo sidii dhibka ka timaada loo dabooli lahaa.
 

Leave a Reply