Maayarka Gabiley Oo Ka Hadlay Abaar Saddex Jirsatay Oo Degmadda Ka Taagan

0
438

Hargeysa (Dawan)- Maayarka degmada Gabilay  Maxamad Amiin Cumar Cabdi, ayaa faah-faahin  ka bixiyay abaar baahsan oo ka taagan guud ahaan gobolka Gabilay, abaartaasi oo uu sheegay in ay saddex jirsatay isla markaana ay saamaysay dad iyo duunyaba.
Maayarka degmada Gabilay waxa kale oo uu mahad naq  ballaadhan u jeediyay xukuumadda Somaliland, isaga oo ku bogaadiyay raashin iyo gurmad degdeg ah oo ay ku taakulaysay dadka la tabaalaysan dhibaatada ka soo gaadhay abaaraha, waxaanu ugu baaqay inay kaalmadaasi sii joogteeyaan.
“Abaar adag ayaa runtii ka dhacday gobolka Gabilay oo intii wadanka lagu jiray aan ka dhicin, soona jiitamaysay saddexdii sannadood ee u dambeeyay khaasatan sannadkii la soo dhaafay, taasina ay keentay in dalagii soo go’I lahaa uu meesha ka baxo.Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad-celiyo xukuumadda Somaliland oo runtii abaarahan markii ugu horreysay ee aan qeylo-dhaanta diray ka soo jawaabtay, raashin haddii ay tahay iyo biyo dhaamis haddii ay tahayba, waxaanay ku guulaysatay inay gacanta ugu horeysa dadkeeda iyadu gaadhsiiso, waana guul- weyn,” ayuu yidhi Maayarka degmada Gabilay oo shalay u waramayay Telefiishanka HCTV.
Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu  intaas ku daray “Waxaan si sigaar ah  ugu mahad celinayaa Wasiirka  maaliyada Somaliland Marwo Samsam  Cabdi Aadan oo Hay’adaha caalamiga ah iyo wadamada carabta wixii innaga soo gaadha si hagar la’aana u soo gaadhsiisa dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyo ganacsade Jaamac Oomaar oo isaguna dadkiisa abaaruhu saameeyeen la garab taagan oo kolba halkii uu wax-gaadhsiin karayo isaguna tuullooyinka iyo dadkaa gobolka ku nool u qeybiya wixii uu ku tari karayo.” Maayarka Gabiley waxa kale oo uu soo qaaday wixii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay,waxaanu yidhi  “Muddadii aan xilka hayay mashruucii ugu horeeyay ee aanu fulinaa waxa uu ahaa dayn aan xilka kula wareegay inaanu bixino si aan u soo noolayno rajada dadweynaha, dhab ahaantiina illaa 11 mashruuc ayaa noo qabsoomay, mashruuca ugu weyn ee illaa hada socdaa waanu dhammaystirnay oo dhawaan ayaanu xadhiga ka jari doona.”
“Mudadii aan joogay wax khilaafa oo golahayaga deegaanka ee Gabilay na soo kala dhexgalay ma jiro, golaha deegaankana aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa amaantaana iyaga ayaa iska leh, waxaanay igu doorteen si aqlabiyada marka horeba,”ayuu yidhi Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply