Wershad Lagu Farsameynayo Hilibka Xoolaha Oo Berbera Lagu Dhagax-dhigay

0
341

Berbera (Dawan):  Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Sh. Maxamed Faarax oo uu weheliyay Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka isu-taga Imaaraadka carabta Baashe  Cawil Xaaji Cumar,  ayaa  shalay si wada jir ah   dhagax dhigay wershadda Hilibka  xoolaha   oo laga dhisayo magaaladda Berbera. Wershadaasi oo ay dhismaheedda maalgelinayso  dawladda imaaraadka carabtu.
Xafladii loo sameeyay dhagax-dhiga warshadan oo lagu qabtay magaaladda Berbera waxa kale oo goob joog ka ahaa Maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera iyo  saraakiil ka socday shirkada dhisaysa warshadan.
 
Danjire Baashe  Cawil Xaaji Cumar,   oo  munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn waxa uu mahad naq u jeediyay madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in aanu mashruucani la’aantii hirgaleen, isagoo sidoo kalena u mahad naqay maamulka  gobolka iyo ka degmadda Berbera oo uu xusay in ay iyaguna qayb weyn ka qaateen  in mashruucani uu hirgallo.
 
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan ugu horayn u mahad celinayaa maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera,  oo qayb weyn ka qaatay in ay suuro geliyaan in mashruucani uu halkan  laga hiregliyo, abaabulkiisii iyo diyaarintiisiina qayb weyn ka qaatay.Waxa kale oo aan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland oo aanay la’aantii suurto gasheen  iyo dawladda imaaraadka oo  gacan weyn ak geysatay, mar walbana diyaar u ah  waxyaabaha horumarka ah ee ay dalka ku dhisayno.”
 
Waxa kale oo uu sheegay danjire Baashe in mashruucani  uu qayb ka yahay  mashaariic badan oo dawladda imaaraadka carabtu ka hirgelinayso Somaliland  “Mashruucani waxa uu qeyb ka yahay mashaariic farra badan oo  dawladda imaaraadku ka waddo dalkeenna,  waana mashruucii labaad oo muddo  bil gudaheed ah lagu dhax dhigo,”ayuu yidhi Baashe Cawil.
 
 
Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland  Cumar Sh. Maxamed Faarax , oo isna goobtii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa ka waramay  kaalinta ay xoolaha nooli kaga jiraaan Somaliland iyo sida loogu baahan yahay  in laga wada qayb qaato sidii loo horumarin lahaa xoolaha nool.
 
Wasiirka xanaanadda xooluhu  waxa uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo mudaddii ay xukuumadiisu taladda dalka haysay in mashaariic aad u badan ay ka hirgelisay.  Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wadanka hawlo badan ayaa ka socday  intii uu taladda dalka hayay madaxweyne  Siilaanyo, waxaana lagu tallaabsaday in waxyaabo badan dalka loo qabto, waxaanan filayaa haddii  intii uu joogay  shan iyo labaatankii sanadood ee hore  uu dalku sidaas ku socon lahaa  in aynu maanta meel fiican gaadhi lahayn. Wershadan aynu maanta (shalay) halkan ku dhagax dhigayno,   waxa  ay awood u leedahay in maalintiiba  kun neef la qallo”.
 
Mr. Hanni oo ka socday shirkadda hirgelinaysa wershadan hilibka xoolaha oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhammays tiri doonaan wershadani.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wershadan hilibka xoolaha ee Berbera laga hirgelinayo. Waxaanu yidhi  “Wershadan  hilibka  xoolaha ee la hirgelinayo, waa mid  dhaqaalaha Somaliland  aad wax uga taraya,  gaar ahaan gobolkan Saaxil aad wax uga taraya. Waanan uga mahad naqaynaa dawladda imaaraadka carabta ee maalgelisay.” Waxaa isna halkaasi hadal ak jeediyay maayarka Berbera  C/shaqkuur Cidin,   ayaa u mahad naqay safiirka Somaliland ee imaaraadka carabta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply