Wada hadalladii Suuriya iyo Shakiga laga Qabo

0
340

QM ayaa dooneysa inay qabato wareeg cusub oo wada-hadallada nabadda Suuriya ah isniinta soo socota, hase yeeshee ayada oo maalmo yar un ay hadhsan yihiin, islamarkaana aan heshiis laga gaadhin cidda ka qeyb galeysa, ayaa waxaa jira shaki ku saabsan in wada-hadallada ay ku dhici doonaan waqtigii loogu tala galay.
Staffan de Mistura, oo ah ergayga QM ee Suuriya ayaa bishii tagtay ku dhowaaqay inuu doonayo in wada-hadallada ay 25-ka January ka billowdaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Waxa uu haystaa taageerada 17 dal oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ruushka, hase yeeshee dalalkan ayaan weli go’aan ka gaadhin cidda ka midka ah kooxaha tirada badan ee mucaaradka Suuriya ee ka qeyb galaya wada-hadallada.
Ku xigeenka afhayeenka QM, Farhan Haq, ayaa Isniintii sheegay in casuumadda ka qeyb galka wada-hadallada aan la diri doonin, illaa go’aan laga gaadhayo kooxaha loo ogolaanayo miiska wada-hadalka.
Waxa uu sheegay in QM ay weli diiradda saareyso 25-ka January inay wada-hadallada billowdaan, islamarkaana xoghayaha guud Ban Ki-moon uu ku boorinayo quwadaha adduunka inay laba laabaan dadaallada heshiis looga gaadhayo arrintan.

Leave a Reply