Faa’iidada iyo Waxtarka Liinta

0
2791

Liinta dadku muddo dheer ayay isticmaalayeen, laakiin sanadkii 1987 ayaa la sheegay in beeriesta geedka liintu aad u kordhay ka dib markii la ogaaday faa’iidadiisa, waxa isna sare u kacay suuqa ganacsi ee liinta.
Warbixin hay’adda cuntada adduunku soo saartay sanadkii 2012 ayay ku cadaysay inay liin macaantu ahayd 70% liinta dunida laga soo saaro. Sanadkii 2013 ayaa dunida laga soo saaray 71 milyan oo liin ah, oo markiiba si xawli ah u galay suuq. Waxaana wadanka kowaad noqday dalka Baraasiil. Gobolada Maraykanka ee Florida iyo California ayaa iyan noqday kaalinta labaad. Liinta biyaheedu waa macaan isugu jira sonkor iyo dhanaan waxaana ay qani ku tahay Vitaminada kala duwan oo uu ugu horeeyo VC oo jidhka aadamigu u baahan yahay. Liinta ayaa jidhka faa’iidooyinka ay u leedahay ay ka mid yihiin iyadoo gabowga jidhka ee soo degdega waxtar weyn u leh. Qolofta liinta ayaa iyana leh waxtar weyn sida dhowaan lagu daabcay majaladda Arajiim.
Noocyada liinta aad loo isticmaalo ayay ka mid yihiin Liin DhanaantaLiin BambeelmoLiin Beydariin, iyo Liin Qarbooshta.

Leave a Reply