Qiso: Qiimaha Waanada Macalimiinta!

0
1414

Maalin  ay cadceedu si fiican u diirisay dhulka, quruxdiisuna muuqato, ayay gabadh macalimad ahi ardaydeeda siisay casharadii caadiga ahaa. Waxaana maskaxdeeda ku soo dhacay inay caruurta dibedda u saarto oo ku siiso waano banaanka si ay ugu raaxasytaan Cadceeda quruxda badan.
Markii ay ardaydu dhegaysanaysay waanadeeda ayay gacanteeda ku tilmaantay geed yar oo ku yaallay beerta dugsiga, ardayda yaryar mid ka mid ah ayay tidhi soo goo.
Waana usoo rujiyay geedkii yaraa ee la beeray. Haddana geed kale ayay tilmaantay oo ay arday kale ku tidhi soo ruji. Waana usoo rujiyay isagoon kala kulmin wax dhibaato ah.
Geed weyn oo ku yaallay oo la hadhsado ayay arday kale soo goo ku  tidhi “Ardaygii yaraa ayaa ugu jawaabay taasi ma dhici karayso waayo waa geed muddo hore la beeray oo gaboobay xoogna ah”.
Macalimad ayaa dhoola cadaysay waxayna ku tidhi caruurtii: “Dhirtu waa sida dhaqankeena xun oo kale, haddii aynu xumaanta caadaysano oo wakhtigu dheeraado, ma goyn karaysaan sida geedkaasi weyn”.  Haddaba waa in dhaqankiina bedeshaan oo hagaajisaan inta aad yar tihiin Haddii kale mar danbe ma goyn kartid caado xun oo aad is bartay.
 

Leave a Reply