‘Soo Noqo Shay Ayaa Ka Dhacay!’

0
504

Wiil dhalinyaro ah ayaa baaskiilad uu watay ku dhuftay  islaan da’ah. Halkii uu ka kicin lahaa cudur daarna ka siin lahaa ayuu qoslay oo degdeg iskaga dhaqaaqay . Islaantii ayaa ka daba qaylisay oo ku tidhi “ Alaab ayaa  kaa dhacdaye soo noqo”. Si degdeg ah ayuu u soo noqday oo meeshii ka baadhay  wax ka dhacay. Laakiin waxay ugu jawaabtay “ haku daalin baadhista waxa kaa dhacay sharaftaadii weeye, weligeedna ma helayside”. Sidaas ayay dhalinyaro badan u samaynayaan arrimo xunxun oo aanay ku baraarugayn sida ay u dhaawacayso sharaftood.

Leave a Reply