Faa’iidada Tarminta Kalluunka Iyo Doorka Horumarinta Khayraadka Badda

0
382

Waxaynu ognahay oo jira Beero lagu xanaaneeyo xayawaanka oo la yidhaahdo beeraha xayawaanka , sidaas oo kale waxa jira Barkado waaweyn oo loo sameeyo kalluunka  looguna talo galay in lagu xanaaneeyo  dadkuna ay u daawasho tagaan , si ay dadku u helaan fikrad ama ay ka qaataan sawir  qaabka uu kalluunku ugu nool yahay badda iyo noocyadiisa kala duwan .
Waxaana jira meelo badan oo dunida loo dalxiis tago oo laga sameeyay  Barkado waaweyn oo lagu xanaaneeyo kalluunka kana samaysan Muraayado laga dhex arki karo waxa gudaha ku jira.
Haddaba waxa dhawaan laga hirgelin doonaa Somaliland mashruuc lagu xanaanaynayo kalluunka, kaasoo ay dhawaan wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland shaacisay in dalka la keeni doono, isla markaana ay gacan ka gaysan doonaan khubaro caalami ah.
Mashruucan  ayaa noqon doona mid wax weyn ka tari doona tarminta kalluunka iyo hanaanka wacyigelineed ee ay bulshadu ku baranayso isticmaalka cuntada badda.
 
 

Leave a Reply