Maxaa keena hilibka sanka ka soo baxa?

0
3834

Hilibka sanka ka soo baxa waxaa loo yaqaanaa afka english-ka “Nasal Polyps” waa cad hilib aan kansar ahayn oo ka soo dhex baxo sanka iyo jeebabkiisa “sinuses”.
Waxuu badanaa hilibka sanka ka soo baxaa dadka qaboxanuuanda Sanboorka, Xajiinta iyo Neefta.
Dadka qaar xanuun kuma hayo, weliba markuu yar yahay mana u baahna wax daaweyn ah, laakiin kuwa waaweyn waxay xeri karaan sanka ama jeebabkiisa taasoo keenta in duufka ku xermo jeebabka, kadibne ay infekshan qaadaan, waxaana ku dhaca qofka cudur la dhaho “Caabuqa Sanqada”.
Hilibka sanka waxaa badanaa lagu qaldaa bararka ku samaysma sanka darbiyadiisa.
Calaamadaha lagu dareemo hilibka sanka markuu weynyahay waxaa ka mid ah:
Cabbur sanka ah ama inuu xermo
Hindhiso badan
Duuf aad u badan
Xanuun wejiga ah
Carfinta ama urinta oo yaraata.
Dhananka oo carabka ku yaraado
Cuncun hareeraha indhaha
Dhagaha oo aamusa ama dhub dhaha waxay la xiriirtaa infekshanka jeebabka sanka / caabuqa sanqada ama “sinusitis” waxa loo yaqaano ee hilibka sanka kaligiis ma keeno.
Haddii sababta saas tahay waa in hilibkaa lagaa jaro oo lagaa daaweeyo caabuqa sanka, haddii cillad kale aad is leedahay way noqon kartaa la xiriir dhakhtar ku taqasusay cudurrada dhagaha, sanka iyo cunaha ee loo yaqaano : E.N.T Doctor”
Dhakhtarka wuxuu kuu kala sheegi doonaa heerka uu hilibkaaga gaarsiisan yahay, hadduu dhib kugu hayo iyo haddii lagu daaweyn karo daawo la qaato ama qalliin aad u baahan tahay.
Xigasho: Somalidoc.

Leave a Reply