Talo Caafimaad

0
495

1- Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo, hadaan rabi ku ilhaamin.
2- Xabatu Sowda iyo malabka asalka ahoo la isticmaalo ayaa Dawo kasta ka fiican.
3- Ha daawayn qofna, cilmi la’aan, waayo waxaad samaynayso rabiyaa kugula xisaabtamaya,
4- Dawo aan dhakhtar sax ahi kuu qorin ha isticmaalin,
5- Dawo ha waydiisan qof aan dhakhtar ahayn,
6- Dawo ha cunin oo qofna ha siin,hadaadan ogayn waxa loo isticmaalo. iyo dhibaatada ay keensanayso,
7- Ogow daawo kasta waxay leedahay dhibaatooyin badan
8- Ha ku dagdagin isticmaalka dawooyinka
9- Dawooyinka dhig meel caruurtu aysan gaarin
10- Dawooyinka dhig meel aan qorax ahayn
11- Waxaa hagaagsan in aad samaysato armaajo yar oo darbiga meel kore lagu dhajiyo, oo fure leh oo dawada la dhigo si caruurtu aysan u gaarin
12- Rifeetar iyo refadin waligaa ha u isticmaalin waxaan loogu talo galin waa dawooyinka Qaaxada loo isticmaalo.
13- Hadii caruuta ama qof waynba qandho qabato, meel neecow leh gee, dharkana ka yaree, oo ha huurin, dabadeedna shukumaan biyo kuqoo oo marmari
14- Hadii caruurtu ama qof waynba uu shumbo, ORS sii, iyo biyo kasto uu cabi karo, sii cunadii uu cuni karo
15- Ma jirto cirbad la yiraah dhiig joojin oo qofkii dhaawacma la siiyo.

Leave a Reply