Waxtarka Gaarka Ah Ee Kalluunku U Leeyahay Dadka 65 Sanno Ka Weyn

0
332

Sida la shaaciyay dadka uu cimrigoodu yahay 65 ama kasii sareeya ee cuna Kalluunka ama ayaa la sheegay inay ka cimri dheer yihiin dadka aan kalluunka cunin ee ku nool dunida,
Cilmi-baadheyaal u dhashay waddanka Maraykanka oo ka hawlgala Dugsiga lagu barto Caafimaadka dadweynaha ee (The Harvard School of Public Health), ayaa soo saaray Daraasaad muujineysa in dadka cunna Kalluunka dhiigooda uu leeyahay Dheecaano qeyb ka qaata inuu qofku ka badbaado Cudurada Khatarta ah, ee u nugul dadka aan Kalluunka cunin.isla markaana uu ka difaacayo weerar walba oo kaga yimaada cudurada ku dhaca aadamaha.
Kalluunka waxa laga helaa Dheecaan lagu magacaabo Omega-3 fatty acids, taasoo hoos u dhigta Khatarta Cudurka wadne xanuunka ee dadka da’da ah ku dhaca xiliga ay hawglabka yihiin,
Aqoonyahanadu waxay baadhitaankooda ku tijaabiyeen haddii uu Xidhiidh ka dhexeeya Cunista Kalluunka iyo wadna xanuunka oo ay ku ogaadeen in uu baabiiyo ama hoos u dhigo gabi ahaanba xanuunka wadnaha,
Khubaradu oo muddo 16-Sano baadhayay ku dhawaad 2,700-qof oo Maraykan ah oo da’doodu tahay 65 ama ka weyn, waxayna ku ogaadeen Daraasadooda inaanay inta badan dadkaasi cunin Kalluunka. ayna u nugul yihiin cudurada ku dhaca,
Ugu dambayntii Baadhitaankaas la sameeyay waxaa kaloo lagu ogaaday in celcelis ahaan dadka isticmaala Kalluunka ay cimrigooda 22-sano ka dambeynayaan dadka aan Kalluunka cunin eek u nool caalamka.

Leave a Reply