Qalabka Robot-ka Oo Mustaqbalka La Sheegay Inuu Xadi Karo Afkaarta Dadka Bani'aadmiga Ah

0
285

Daraasad cusub oo dhowana ay sameeyeen xeel dheereyaasha dhinaca cilmibaadhisaha Technology-gu ayaa lagu sheegay in mustaqbalka laga yaabo inay qalabka sida dadka u shaqeeya ee Robot-ku xadaan fikradaha dadka,taas oo khatar ku keeni doonta dadka,iyaga oo dhibaatooyin badan ku geysan kara,sidoo kalena soo bandhigi kara siro badan.
khubaradan ayaa sheegay in sannadka 2030 oo laga yaabo inuu noqdo sannadka ugu Robot isticmaalka badan ay tahay sannad caalamka ay kusoo fool lee dahay .
garyaqaanad Albroovciorh oo wax ka dhigta jaamacadda University of Duke  oo kamid ah gobolka Carolina ayaa sheegay in dadku isticmaalaan maskaxdooda qayb kamid ah ,laakiin ay mustaqbalka soo bixi doonto caqabad balaadhan oo ah in qalabka Robot-ku la wareegaan waxyaalaha maskaxda dadkaasi ku jira,sida siraha,fikradaha io cilmigaba.
Professor Varohana oo kamid ah ururka World Economic Forum oo ka dhisan dalka Sweden ayaa isna sheegay in qalabkaasi khatar ku yahay awooda maskaxda bani’aadmiga,taas oo khatar ku ah caalamka.
Professor Varohana ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in loo baahan yahay in ay wanaagsan tahay in khubarada saynisku ka fikiraan sidii ay u yarayn lahaayeen qalabkaasi ay soo saaraan ee Robots-ka,waxa kale oo uu usoo jeediyey siyaasiyiinta inay gacan ka geystaan sidii dhibtaasi looga hortegi lahaa.
Ken oo kamid ah khubarada reer Jarmal ayaa sheegay  in khatarta cusub ee caalamka kusoo foolka lihi aanay ahayn oo keliyaata dhibta lasoo sheegay,laakiin ay keeni karto dhib kale oo ah in loo adeegsado dhinaca dagaalada,taas oo gacanta u geli karta kooxaha argagixisada ah.
daraasadan ayaa lagu soo gebo gebeeyey soo jeedin ah in la kaantaroolo hababka samays ee qalabkaasi,iyada oo sidoo kalena la sheegay in shaqooyin u dhexeeya 5 million ilaa 7 million ay shaqo tiri doonaan qalabkaasi.
 
 
 
 

Leave a Reply