London Illaa New York Waxaad U Soconaysaa 11 Daqiiqo Oo Keliya

0
301

Mid kamida khubarrada samaysa diyaaradaha ayaa soo saaray diyaarad nooceedu ku cusub yahay caalamka,diyaaradaas oo lagu magcaabo Skreemr,waxaanay noqonaysaa diyaaradaasi mid aad uga dheeraynaysa diyaaradaha hadda la isticmaalo.
diyaaradan oo hadda la dejiyey habka samayskeeda ayaa noqonaysa mid lasoo saaraayo mustaqbalka dhow,taas oo caalamka meelo kala duwan gaadhi doonta ama tegi doonta,iyada oo u soconaysa muddo aad u yar.
diyaaradan cusub waxa qaabkeeda sameeyey injineer u dhashay wadanka Canada,kaas oo lagu magcaabo Charles Bmbardier,waxaanu sharaxaad ka bixiyey  habka ay noqonayso diyaaradani iyo inta uu gaadhaayo Speed-ka ama xawaaraha ay ku duuli doontaa.
khabiirkan ayaa sheegay in ay diyaaradani 12 jeer ka dheerayn doonto diyaarada caalamka ugu dheeraysa oo lagu magcaabo Concorde,taas oo hadda laga mamnuucay caalamka.
diyaaradan ayaa lagu qaadi doonaa dad gaadhaaya ilaa 10 qof ,taas oo dhaqaaqaysa masaafo dhan ilaa 20,000 km in ka yar saacad,iyada oo Magaalada London ilaa New York 11 minutes oo keliyaata.
Eng Bombardier oo u waramaayey wargeyska Forbes  oo warbixintan qoray uuna kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay doonayaan inay mustaqbalka diyaaradasi balaadhiyaan,iyada oo qaadi doonta dad intan ka badan,waxaanu intaasi ku daray in ay xawaaraha lafteedana kordhin doonaan madaama oo xajmigeeda la kordhiyey.
diyaaradan ayaa la filayaa in ay dhowaan soo bandhigaan ,iyada oo madaar walba oo caalamka ka kici karta,iyada oo aan u baahnayn wax hagitaan ah,sidoo kalena laga maarmaayo gawaadhida hoos cararta diyaarada ,madaama oo ay xawaare u socoto.
diyaaradan ayaa la filayaa in ay sidoo kalena dhulka ka sarayn doono xawaare dhan 12 km,sidoo kalena waxay khubarada samaynaysaa sheegeen inay kasii kordhin doonaan intaasi.
diyaaradan ayaa loo isticmaali doona hab ganacsi ahaana iyo sidoo kalena hab ciidan labadaba,iyada oo meelo kala duwan oo caalamka ah lagu geyn doono waxyaalaha loo baahdo.

Leave a Reply