Xukuumadda Oo Kulan La Yeelatay Shirkadaha Adeegga Laydhka Bixiya Ee Hargeysa

0
303

Hargeysa|(Dawan):-Xukuumadda Somaliland,ayaa kulan,ayaa kulan la yeelatay shirkadaha adeega laydhka bixiya ee Caasimadda Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Kulan la yeeshay Shirkadaha Korantada u shida Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa  uu usoo bandhigay baahida loo qabo in hoos loo dhigo qiimaha ay shirkadahani ka qaadaan  shacabka macaamiishooda ah ee ay laydhka u shidaan oo haatan aad u sarreeya. iyadoo qiimaha shidaalku uu si weyn hoos ugu dhacay.
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Shirkadaha  bixiya adeegga Laydhlka  ee KAAH, ALEEL, TELOSOM IYO GAAFANE, ayey Shirkadahani dhinacooda soo dhaweeyeen soo jeedinta Wasiir-ku-xigeenka, waxanay ballan qaadeen inay maalinta Sabtida ah ee soo socota shir iskugu iman doonaan, isla-markaana ka arrinsan doonaan, halkaasna kasoo saari doonaan qiimo naasil ah oo ay dhammaantood ka midaysan yihiin.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Kaysar Cabdilaahi ayaa Shirkadaha Laydhka uga mahad naqay inay aqbaleen in Sixirka laydhka ay hoos u dhigaan, waxaanu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diirada saarayso sidii loo jebin lahaa ascaarta kala duwan, isagoo ganacsatada kala duwan ee dalkana ugu baaqay inay jebiyaan qiimaha Ascaarta, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay indho gaar ah ku eegi doonto Ganacsatada ka baaqsata inay Jabiyaan Qiimaha ascaarta, kala duwan maadaama ay Xukuumaddu jabisay qiimihii Doolarka.
Kulankan Wasiir ku xigeenka waxaa ku weheliyay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga  Aadan Dhagax iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxyeedyada wasaarada ganacsiga.
Waa tallaabada ugu horraysay ee ay Wasaaradda Ganacsigu qaaddo ee ay ugu kuur gelayso shirkadaha bulshada wax ka jebiyay iyo kuwa aan hoos uga soo deign halkii hore.taasoo ay tallaabadii ugu horraysayna waxay Masuuliyiinta Wasaaraddu kulan kula yeesheen shirkadaha bixiya adeega laydhka oo loo baahan yahay in qiimihiisa hoos loo dhigo ka dib markii qiimaha shidaalku aad hoos ugu dhacay.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply