Markii uu ku baahiyay facbook wiil dhalinyarro ah oo u dhashay dalka Jarmalka xafladda dhalashadiisa sanad-guurada 22-ad, waxa ka soo qeyb galay tiro aad u badan oo aanu ku tallo gelin. Sida lagu daabacay wargeyksa Russia Today wiilka ayaa ilaabay inuu martiqaadka u fidiyo oo keliya saaxiibadiis.
Waxaana gurigiisa oo uu sheegay inuu ku qabanayo xafladda uu ku baahiyay bartiisa facebook, taasi oo keentay inay guriga yimaadaan kumanaan qof oo aanu garanayn, isla markaana aanu ugu tallo gelin wixii ay cuni lahaayeen iyo sharaabkooda. Arrintan ayaa keentay inuu dalbado booliiska si ay uga kaxeeyaan guriga dadka faraha badan ee aanu garanayn. Haddaba iska jir inay arrintan oo kale kugu dhacdo.