Masjid Sacuudiga oo Qarax ka Dhacay

0
344

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay weerar salaadii jimcaha ka dhacay masjid shiico oo ku yaal magaalada bariga ku taal ee Mehasin oo dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadkii goobjooga ahaa waxay sheegeen in dadkii tukanayey ay joojiyeen qofkii weerarka qaaday inuu is-qarxiyo.
ciidanka amaanka ayaa deg deg u hareereeyey masjidka.
Shiicada sacuudiga waxaa hore bartilmaameed uga dhigtay kooxda sheegata dawladda islaamiga.
Weerarkii shalaya wuxuu kaloo ku soo beegmay iyadoo ay sii kordheysa xiisadda sunniga iyo shiicada ee u dhexeysa Sacuudiga iyo Iran wixii ka dambeeyey dilkii sheikh shiica ah oo caan ahaa oo bishii desember lagu dilay sacuudiga.
 
 
 
 

Leave a Reply