Waxaan Dadka Ku Soo Jiitaa Hadalka Macaan!

0
2172

Laba dukaan oo jaar ahaa ayuu midkood iibinayay malabka kan kale Khalka. Dadka ayaa aad wax uga iibsan jiray kan iibiya khalka. Ninkii iibinayay malabka ayaa u qaatay in qiimaha malabku uu aad uga qaalisan yahay kan khalka, sidaas darteed wuxuu jebiyay qiimihii malabka illaa uu ka dhigay mid la mid qiimaha khalka, laakiin taasi waxba kamay bedelin iibkiisa.
Markii dambe wuxuu go’aansaday inuu u tago Ninka iibinayay khalka waxaana uu ku yidhi   “Waar maxay dadku kuugu soo urureen oo ay wax kaaga iibsanayaan adigoo khal iibinaya, kaasi oo aan dhadhan lahayn isla markaana urtiisu xun tahay?.”
 
Ninkii ayaa ugu jawaabay “Anigu khalka waxaan ku iibiyaa carab malab ah, adiguna malabka waxaad ku iibisaa malabka carab khal ah. waana taasi sababtu.”  Haa mar kasta waxaynu u baahanahay carab malab ah  si aan dadka si wanaagsan ula dhaqanno oo ay  weheliso niyad saafi ah. Waxaana la ogaaday in dhaqanka dadka soo jiitaa uu yahay hadalka macaan iyo debciga wanaagsan.

Leave a Reply