Buuhoodle (Dawan)- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah madax dhaqameedka Gob Buuhoodle, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo xannaf leh oo ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh, hadalkaasi oo uu ku sheegay inuu dagaal sokeeyo ka bilaabi doono deegaamada Buuhoodle, waxaanu warbaahinta ka sii daayay erayo bulshadda kala fogeynaya.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa uu Cali Khaliif Galaydh ku eedeeyay in uu yahay shakhsi caadaystay in uu deegaanka Buuhoodle ka huriyo colaad iyo dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daato, waxaanu ku tilmaamay nin aan waxba ka tarin marka uu dagaalku bilaabmo.
Garaadku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Buuhoodle, waxaanu yidhi “Shirkaygan jaraa’id wuxuu daaran yahay, war uu Telefiishanada ku baahiyay Cali Khaliif Galaydh, warkaas oo runtii aan aad uga xummaaday oo aan ahayn war lagu diirsan karo, waad ogtihiin deegaanka Buuhoodle in dhaweyd waxaa ku hirdamayey siyaasiyiin. Muuqaalka aanu aragney iyo warka uu sii daayey Cali Khaliif Galaydh, waxa uu ahaa war aan la qaadan Karin, isla markaana aan laga aamusi Karin.”
“Waad ogtihiin in deegaankaa hadda ka hor dagaal xumi uu ka dhacay oo dadka deegaankaas iyo Somaliland uu ku dhex maray oo dad faro badani ay ku dhinteen, dad faro badanina ay ku dhaawacmeen, sidaa daraadeed dadka deegaankani ma qaadi karaan colaad kale oo dad kaga dhinto.
Waxaa nasiib darro ah in Cali Khaliif uu iclaamiyo colaad iyo dagaalo dambe oo la mid ah dagaaladii hore ee dhiiga badani ku daatay, waana arrin murugo leh. Cali Khaliif Galaydh Colaadii horena wax ba kamuu tarin, tan dambena waxaan qabaa inuuna waxtarkeeda diyaar u ahayn ee uu dadka uun dab gelinayo, arrinkaasi waan ka fadhiyi waayey,” Ayuu yidhi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
Garaadku waxa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanka Buuhoodle in ay ilaashadaan nabadgelyadooda iyo wada-jirkooda isla markaana ay u jeestaan tubta horumarka iyo wax wada qabsiga, waxaanu yidhi “Waxaan ku baaqayaa inay dadku caqli yeeshaan, inay xasuustaan wixii shalay oo ay ka taxaddiraan wixii oo kale inay mar danbe ay dhacaan, meeshani Kashmiir maaha.”
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa uu gebo-gabadii ka codsaday dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh inuu bulshada ka daayo dhibka iyo dagaalada uu ka wado deegaanka Buuhoodle, isaga oo hoosta ka xariiqey in dadka ku nool deegaankaasi ay ka qatan yihiin horumar oo dhan, waxaanu yidhi “Waxaan ka codsanayaa Cali Khaliif Galaydh in uu dhibaatada iyo colaadaha ka daayo dadka masaakiinta ah ee dhibku haysto ee aad ogtihiin inay horumar oo dhan ka qatan yihiin, ee aad ogtihiin inay halkaa ku oodan yihiin, waxaan u soo jeedinayaa inaan dhib kale loogu darin oo culeyska laga qaado.”
Dawannews Hargeysa office