Wax Khayr Kuu Ah ayaa laga yaaba Inaad ka Naxdo!

0
454

Markii uu subaxnimadii hore kacay ee shaqad tegayay niyad umuu hayn, maxa yeelay waxa ka horeeya hawl adagg oo haddana qaylo iyo canaan badan. Isla maalintaasi markii uu shaqada dhameeyay ayaa loo sheegay in ay ka dhamaatay shaqadii shirkadani oo aanu soo shaqo tegin maalin danbe.
Aad ayuu u fikiriayay intii uu guriga ku sii socday maxa yeelay iyada ayaa ahayd meesha keliya ee noloshiisa iyo tan iyo qoyskiisa uu ka soo saaro.  Laakiin intii uu dhexda ku jiray oo uu watay gaadhiga  da’da  ah ayuu taayir ka banjaray, markii uu la soo baxay kii kaydka ahaa wuxu arkay inuu isna banjar yahay.
Wakhtigaasi ayuu nin gaadhi wataaa soo maray  markii uu waraystay wuxu ka ogolaaday inuu gaadhsiiyo isaga iyo taayirkiisa banjarlaha.  Markii ay is waraysteen ayuu u sheegay inuu ka tegay shaqo uu hayay oo uu ka fekerayay halkii uu biilka ka soo sari laha. Laakiin ninkan soo qaaday waxa uu maamulayay shirkada weyn isla maalintaasi  wuxu  raadinayay qof u qabta shaqada uu ninkani yaqaanay. Waxaana uu sheegay inuu berri soo shaqo tago heshiiskana galaan, isagoo mushaharka uu sheegay ku laban laabamay kiisa hore. Waxa jira waxaad necbaysto oo khayr iyo wanaag ku ah iyo waxaad jeceshahay oo shar kuu ah.

Leave a Reply