Agaasimaha Cisbitaalka TB-da Oo Sheegay In Xanuunka Qaaxadu Hoos u Dhacay

0
381

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha cisbitaalka qaaxada (TB-da) ee Magaalada Hargeysa Dr. Cismaan Cabdi Maygaag ayaa sheegay in hoos u dhac weyni ku yimi heerkii uu dalka Somaliland ka taagnaa xanuunka Qaaxada sanadkan dhamaaday.ee 2015-ka
Agaasimaha cisbitaalka qaaxaddu  waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta qaranka, sidoo kalena waxa uu ka warbixiyay xaalada guud ee cisbitaalka TB-da, marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray cisbitaalkani iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu hayay xilka.
 
 
 
Dr: Cismaan Cabdi Maygaag, ugu horrayn waxa uu ka warbixiyay taariikhada cisbitaalkan iyo sababta loo dhisay waxaanu yidhi “Cisbitaalkan waxaa la dhisay sanadkii 1948-dii iyada oo loogu talo galay in uu noqdo cisbitaalka magaalada Hargeysa, isaga markaa shaqeeyay mudo 5-sano ah, markaa cisbitaalka waxaa uu noqday cisbitaal TB-da uun loogu shaqeeyo oo TB-da lagu xakameeyo looguna shaqeeyo dadka xanuunka Tb-da qaba, cisbitaalkani waa cisbitaalka ugu weyn guud ahaan meel Soomaali joogtaba, waxaana cisbitaalkan laga daweeyaa dad ka yimid dhulka ay Soomaalidu degto oo dhan, cisbitaalkan waxa lagu daweeya kala badh wax ka badan inta TB-da lagu daweeyo, Somaliland oo dhan, waxaana cisbitaalkan loogu talo galay in lagu xakameeyo xanuunkan ay keento cayayaanka loo yaqaano, Micro Super Clouses, in lagu xakameeyo, iyada oo uu cudurkani yahay cudur dilaa ah, kuna badan wadankeena iyo wadanadan saxaraha ka hooseeya, ee Afrikaba,”
Dr: Cismaan Cabdi waxaa uu xusay in xanuunkani sanadahan u danbeeyay uu yahay mid hoos u soo dhacaya oo sidii hore ka yar waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya “Marka ay noqoto la dagaalankiisa marna hoos ayuu u dhacaa, marna kor ayuu u kacaa, laakiin imika waxaa aad mooda inuu soo dhaami doono sidii hore, cisbitaalkan mugiisu waa 220-sariirood, waxaana la yidhaaha Bukaan Jiifka, laakiin awooda dhaqaale darteed intaa badhkeed, ayaa jiifta, oo lagu daweeya oo saddexda wakhti ee isku soo wareegay cuntada lagu siiya, inta kalese ilaa 700 ilaa 800 oo qof ayaa maalintii dibada ka qaata oo la yidhaaho DOTS, DOTS-kuna waxaa weeyaan, Direct Observed Terbed, adiga oo arkaya dawadii waa in la liqaa, wuxuun baanu sameeynaa in dadka waaweyn amase caruurta yaryar ee aan socon kareynin, amase dadka aan xuskoodu dhameyn, amase curyaaminta dadka noocaasa waxaa aanu ku siinaa todobaad, oo waa todobaadle”
Dhanka kale Dr: Cismaan waxaa uu ka warbixiyay sanadkan tiro ahaan dadka ay daweeyeen inta ay dhan yihiin waxaanu yidhi “Waxaa aanu sanadkii daawo siinay oo aanu daaweynaa laba kun ilaa laba kun iyo shan boqol, mararka qaarna waxaa ay ku soo dhacdaa Kun iyo Sideed Boqol, mararka qaarna labada-kunba waa ay dhaaftaa, Somaliland waxaa ku yaala ilaa 14-Setanlight oo daawooyinka laga qaato, sida Hargeysa, Boorame, Burco, Sheekh, Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Baligubadle.”
Dr: Cismaan waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay xanuunkan iyo astaamaha lagu garan karo iyo sida looga hortagi karo waxaanu yihi “ qofkana markaa looga shakiyo inuu TB cusub waxaa uu yeesha qufac mudo saddex todobaada socda,xumad iyo waliba, dhidid faro badan, cuntadu ka dhaca,habeenkiina dhidid faro,badan ayuu yeesha,calaamadahan qofka isku arka amase lagu hayaana, waa in la yidhaaho waa uu noqon  kara,shaki Tb ahi inuu jiro,waana inuu halkan yimaado si loo baadho,cudurkani waa cudur fida waxaa ugu badan ee qaadana waa meelaha laysugu yimaado,”
Agaasimaha cisbitaalku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “baadhitaanka intiisa badani waa bilaash laakiin waxaa jira oo aanu lacag aan badnayn aanu ka qaadnaa qaybta dadka lagu sawiro,oo wasaaraduu noo ogolaatay halka meelaha kale toban doolar laga qaado, si shaqaalaha ka shaqaynaya XRY-ga iyo mushiinku haduu jabo loo soo siiyo wixii uu ku shaqeyn lahaa, hase ahaate wax kale oo lacaga oo cisbitaalkan dadka laga qaada ma jiro, waana mabnuuc dadkii in wax la weydiiyo oo waxaan jirin dadkii loogu shaqeeyo”
Dr: Cismaan Cabdi  waxaa uu si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya xanuunka HIV-ga Iyo xanuunka TB-da waxaanu yidhi “HIV-ga Iyo TB-da waxaa laysku yidhaaha Co-Infection, waa ay wada noolaadaan, inta badana dadku waxaaa uu ku dhaqdhaqaaqa difaaca jidhkiisa, dadkeenuna sideedaba xidhiidh badan ayaynu leenahay, markaa si dadban waa loo odhankara dadku TB-da waa ay wada qabaan, laakiin difaaceena ayaa inaga badbaadiya, waxaanu qofku soo dhacaa marka ay Bakteeriyadii ay ka baxdo halka ay sanbabadu ku xakameeyeen, waxaana qofka TB-da qaba ee aan isdaweyni uu boqolkiiba konton uga badan yahay inuu xanuunkan HIV and IDS uu qaado, dadka caadiga ah, markaa halkana waxaa nooga furan qol lagu baadho xanuunkan HIV-ga oo ay 3 shaqaala ahi ay joogaan, qofkasta oo aanu daawada TB-da u bilaabaynana dhiigaa waanu ka qaadnaa, HIV-ga markaa waxa jira.”
 
Xanuun Cusub Oo Aan Talaal Iyo Daawo Lahayn Oo Ku Faafay Laatiin Ameerika
By:  Cabdi Aadan Cumar  (Wayab)
Waxa dalalka Laatiin Ameerika iyo kuwa ku yaal Jasaa’irka Karabbiinka haleelay FEYRAS[Virus] loo yaqaan ZIKA oo la ogaaday inay ka qaadeen qaniiyada Kaneecada ku nool jiidaha kullaylaha. Feyraskan ZIKA oo aan weli tallaal iyo daweyn rasmiya midna loo helay waxa ay waxyeeladiisa oo aad u culus ku kooban tahay dumarka oo kaliya, iyadoo uu haweenay kasta oo uur yeelata ay dhicinayso ama ay dhalayso ilmo aan u dhammaan maskax ahaan sida kuwa caadiga ah. Feyraskan waxa dunida markii ugu horreysay lagu arkay dalka Ugaandha 1947kii, waxaana laga helay Daayeerka, magaca Feyraskan ZIKA-na waxa uu ka yimid oo laga soo qaatay keyn la yidhaa [ZIKA FOREST] oo ku taal dalka Ugaandha oo ahayd goobtii ay ku noolaayeen daayeerradu
Mar labaadkii oo ahayd 1977-78kii waxa laga helay oo uu ku faafay Feyraskani dalalka Baakistaan, Maleesiya iyo Indooniisiya. Dalka Baraasiil ayaa 2014kii laga helay dumar uur leh oo uu haleelay Feraskani, isla markaana ay ka qaadeen qaniinyada Kaneecada ku nool meelaha kulaylaha ee loo yaqaan Aedes. Bishii Oktoobar ee 2015kii oo kaliya laga helay dalka Baraasiil tirada ilmaha ku jiray caloosha hooyadood ee qaaday Feyraska ZIKA inay ahaayeen saddex kun iyo shan boqol oo Ilmood. Kuwaas oo inta ilmaha dhiciska ku dhasha mooyee inta kalena ay dhalayaan iyagoo maskax ahaan dhiman oo iyana daweyn lagu haynayo[Cilaaj] tan iyo intay ka dhimanayaan.
Feyraskan halista ku ah taranka bani’aadanka, ayaa hadda waxa durba raadadkiisa laga helay haween kooban oo ku kala nool qaar ka mid ah dalalka Yurub ee ka baxsan kuwa uu aafeeyey, waxanu sidoo kale gaadhay Gobollo ka mida Waqooyiga Ameerika [USA], waxana laga welwelsan yahay oo kale inuu u tallaabo qaaradda Aasiya. Tirada dalalka uu sida ba’an ugu faafay Feyraskani oo dhan 22 dal oo ku kala yaal Koonfurta iyo Waqooyiga Ameerika iyo Karabbiinka, ayey durba dalal badan oo ka mid ah kuwa aanu weli gaadhin Feyraskani uga digeen dadkooda, in gebi ahaanba u safraan haweenka uurka lihi amase ay uur kusoo qaadeen iyagoo ku sugan dalalkaasi. Waxa dalalka kale ee laga digay iyana ka mida kuwa ku yaal dhulka kulaylaha sida Cape Verde oo ah jasiirad ku taal xeebaha galbeedka Afrika iyo Samoa oo ku beegan dhinaca xeebaha Koonfureed ee Badweynta Baasifiga. Sidoo kale waxa ay iyana ku taliyeen dadkooda dalalka uu saameeyey Feyraskani, inay dadka isqabaa dawooyin isticmaalaan si aanay haweenku u uuraysan muddada la helayo tallaalka ama daaweynta Feyraskan oo sida ay Ururrada Caafimaadka qaarkood sheegeen uu qaadan karo ugu Yaraan laba sanno ilaa shan sanno.
Dhinaca galmada ayaa sida ay daboolka ka qaadeen qaar ka tirsan Culimada Caafimaadka ee dalalka Baraasiil, Salvador iyo Colombia aan boqolkiiba sideetan lagu kala qaadin ilaa haatan xaaladaha baadhitaanka lagu sameeyey. Haddaba Feyraskan oo si baaxad leh looga cabsi qabo inuu dunida wada aafeeyo, ayaa waxa waajib ku ah guud ahaan bahda Culimada Caafimaadka, gaar ahaana Wasaaradda Caafimaadka, inay la socdaan dhaqdhaqaaqa uu ka sameeyo dunida Feyraskani, si ay digniin hore u siiyaan bulshadooda, isla markaana ay ka bixiyaan wixii talooyin ah ee waxtar uga noqon kara bulshadeena, maadaama uu feyraskani yahay mid halis gelinaya taranka bani’aadmiga.
Inkastoo aanu xanuun markaaba la dhicin qofka uu asiibo, ayaa haddana waxa ka mid ah astaamaha lagu garto Xummad, cuncun, kala goysyada xubnaha iyo indho cascas, waxanu ilmaha ku dhashaa noqonayaa mid madaxiisu ka yar yahay ka dhiggiisa ah, caqli ahaan aan koreynba. Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply