Diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa deg deg u dib ugu soo degtay, iyada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab ka kacay.
Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama wax kale, hase yeeshee sawirro ay VOA heshay ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muuqdo dalool weyn.
Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen diyaaradda, oo soo noqotay wax yar un kadib markii ay ka kacday garoonka.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dalka Jabuuti.