Shir Hargeysa Uga Furmay Guddiyada Nabad-gelyada Gobolada iyo Degmooyinka Dalka

0
387

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa shalay si rasmiya u furay shirka Sanadlaha ah ee guddiyada nabad galyada Gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Shirkan ayaa noqonaya shirkii ugu horreeyey ee agaasimaha guud tan iyo markii xilka loo magacaabay uu la qaato gudiyada nabadgalyada ee degmooyinka dalka, waxaana inta uu socdo shirkani lagaga wada hadli doonaa sidii loo heli lahaa wada shaqayn toosa oo dhex marta dawlada dhexe iyo gudiyada degmooyinka, si loo ogaado waxyaala ay u qabteen dawladaha hoose oo ay inta badan la shaqeeyan.

Agaasimaha xaaxda Gobolada iyo degmooyinka Maxamed Cali oo halkaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankani iyo waxyaalaha lagaga hadli doono, waxaanu yidhi “maanta waxaynu halkan iskugu nimi sida la idinku soo wargaliyo in aynu isku xogwaraysano, isla markaana la idin siiyo tababar iyo dood cilmiyeed kor loogu qaadayo aqoontiina”

Agaasimaga guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed ayaa dhankiisa ka hadlay ahmiyada ay leedahay maamul daadajinta iyo doorka wasaarada arrimaha gudaha waxaana hadaladiisii kamid ahaa “waxaynu jecelnahay inaan maamul daadajinta gaadhsiino halka ugu hoosaysa isla markaana aynu wada shaqayn yeelana “

Shirkan ay isugu yimaadeen guddiyada nabadgelyada dalka oo shalay subax ka furmay Hoteel Safari waxa uu socon doonaa muddo sadex cisfho ah, waxaana agaasimaha guud ee wasaarada ku wehelinayey agaasime waaxeedka gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Cali iyo  La taliyaha agaasimaha Cabdikariin Cabdi Aadan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply