Xikmadaha: Marar Badan Ayaa Si Khaldan Loo Fikiraa!

0
437

Dabaysha iy cadceedda ayaa muran dhex maray iyagoo isu faafanaya , dabayash ayaa ku tidhi anigu wiilka halkaasi jooga ayaan xoogayga kaga saari kara jaakeedka uu xidhn yahay. Cadceeda ayuu ku xidhay shardi ah inay arinkaasi samayso oo ay bilwoday, dabaysha ayaa si xoogle u guuxday oo dhinaca kasta kaga timi wiilkii , laakiin isaguna wuxu isku xejiyay jaakaadeedkiisa si aanay dabayshu uga saaraan oo u qaadin.  Marki ay ka furfuri weyday ayay ka tagtay.
Markii ay cadceed doorkeedu yimi ayaa fallaadhaha ku gantay iyadoo qaylo iyo dhawaaq midna lahayn. Markaasi ayuu wiilku iskii isaga saaray Jaakeedkii isagoon cidina ku khasbin. Waa sidaasi nolosha nidaam fudud ayaa hawsha aad rabto loo qabtaa iyadoo weliba qofka aad ka rabto dantiisa aad ka dhigayso sida tusaalaha cadceeda lagu metelay ee uu arkay inuu iska saaro kulayl dartiis.

Leave a Reply